Trump oo soo saaray Istaratiijiyad amni oo cidlo dhigtay Yurub

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo saaray National Security Strategy (NSS) cusub oo dib u qeexaysa siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka, isla markaana si ba’an u dhaliilaysa xulafadiisa Yurub. Dhanka kale, dukumentigan waxaa si wanaagsan u soo dhaweeyey Ruushka, halka uu ka fogaanayo dhaleeceyn ku wajahan Shiinaha iyo dowladaha kaligii-taliska ah ee kale.

Dukumentigan oo ka kooban 33 bog, ayaa ah mid ka leexday nidaamkii caalamiga ahaa ee la aasaasay dagaalkii labaad ee aduunka kadib. Waxaana lagu tilmaamay inuu yahay isbeddelkii ugu weynaa ee ku yimaadda siyaasadda dibadda ee Washington tan iyo tobannaan sano. Yurub — oo mar ahayd laf-dhabarta iskaashiga Atlantic-ga — waxaa lagu sawiray qaarad daciiftay oo hoos u dhacday, laguna wiiqay socdaalka soo galootiga, hoos u dhaca dhalmada, iyo nidaamka siyaasadeed ee uu maamulka Trump ku eedeeyo inuu cabburiyo mucaaradka.

Dhanka kale, istaraatijiyaddu kama dhigin Ruushka “khatar” mana xusin Shiinaha wax ka badan “tartanka dhaqaale”.

Aqalka Cad ayaa hadda ku qeexaya mudnaantiisa cusub: la-dagaallanka socdaalka, ka hortagga hay’adaha maamula nidaamka caalamiga ah, iyo taageeridda dhaq-dhaqaaqyada qaraniga ah ee Yurub. Waxa kale oo ku jira baaq lagu dhiirrigelinayo “iska caabin gudaha dalalka Yurub”, iyadoo la xoojinayo xiriirka xisbiyada midigta fog ee uu dukumentigu ugu yeeray “waddaniyiin”.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in NSS-ku “si weyn ugu raacsan yahay” aragtida Ruushka, kuna tilmaamay “tallaabo wanaagsan”. Waxuu ku amaanay maqnaanshaha luqadda cadawtinimada ah iyo sida uu Maraykanku diiradda u saarayo dib-u-soo celinta “xasilloonida istaraatijiyadeed” ee Ruushka.

Dukumentiga ayaa Yurub ku eedeeyay “luminta aqoonsigeeda qaran” iyo qaadashada dhaqanka isdhexgalka bulshooyinka (multiculturalism). Waxa uu ku tilmaamay socdaalka iyo siyaasadaha Midowga Yurub inay qaaradda u wadaan “baaba’a ilbaxnimo”.

Wareysi uu Trump siiyay Politico, ayuu ku sheegay in Yurub noqotay “daciif” iyo “doqon”, isla markaana dowladaha Yurub “isku burburinayaan gudaha”. Wuxuu ku tilmaamay xiriirka Maraykanka iyo Yurub inuu ahaa dareen ku dhisan taariikh hore, balse Yurub aysan hadda wax dan ah ugu fadhin Maraykanka.

Dukumentigu wuxuu soo bandhigay waxa loo bixiyay “Trump Corollary” oo ku saabsan Monroe Doctrine, taas oo Maraykanka ka dhigayso inuu xoogga saarayo xukunka Waqooyiga iyo Koonfurta Ameerika, halka uu ka fogaanayo faragelinta Afrika, Bariga Dhexe, iyo inta badan Aasiya.

Waxa kale oo uu si cad uga tagey siyaasaddii hore ee Maraykanka ee ku wajahneyd Shiinaha, isaga oo ku tilmaamay “khayaali aan wax tar lahayn” isku daygii lagu doonayay in Shiinaha lagu dhex daro nidaamka dhaqaale ee xorta ah.

Xildhibaan Jason Crow oo ka tirsan Dimuqaraadiyiinta ayaa NSS-ka ku tilmaamay “musiibo u ah sumcadda iyo hoggaaminta Maraykanka”.

Hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa si taxaddar leh uga jawaabay. Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka Johann Wadephul ayaa sheegay in Yurub “uusan u baahnayn talo dibadeed” oo ku saabsan sida loo maamulo arrimaheeda. Wuxuu sidoo kale dhaleeceeyay in Maraykanku ka walaacsan yahay xorriyadda hadalka ee Jarmalka.

Ra’iisul Wasaaraha Poland Donald Tusk ayaa dhambaal u diray “saaxiibada Ameerika”, isaga oo sheegay in Yurub ay tahay “saaxiibkiinna ugu dhow, ma aha dhibkiinna”. Wuxuu ka digay in la iska indho-tiro khataraha la wadaago.

Dhanka kale, Ra’iisul wasaarihii hore ee Sweden Carl Bildt ayaa sheegay in istaraatijiyadda cusub ay ka dhigeyso Maraykanka “mid ka fog xitaa midigta fog ee Yurub”.

NSS-ka cusub ayaa si buuxda uga weecday dukumentigii sanadkii 2017 ee intii uu socday xukunkii koowaad ee Trump, kaas oo Ruushka iyo Shiinaha ku qeexay cadawga istaraatijiga ah ee ugu weyn. Nooca hadda la soo saaray wuxuu labadan dal ka saaray liiska khataraha, isaga oo diiradda saaraya eedeymo ku saabsan sida Yurub u wajahdo “faasiqnimada siyaasadeed” iyo xaddidaadda xorriyadda.

Mawqifka cusub ee Trump ee ku dhow hogaamiyeyaasha midigta fog sida Viktor Orbán (Hungary) iyo Robert Fico (Slovakia) ayaa sii huriyey xiisadaha NATO iyo EU. Mas’uuliyiinta Trump ayaa ku booriyay Yurub inay kordhiso kharashaadka difaaca, balse waxay soo jeediyeen in tan lagu sameeyo iyada oo aan lagu xirnayn NATO ama qaababka Midowga Yurub.

Madaxweyne-kuxigeenka Trump, JD Vance, ayaa hore uga digay isbeddelkan intii uu ka hadlayay Munich Security Conference, isaga oo sheegay in Yurub ku fashilantay ilaalinta qiyamka ay sheegato, islamarkaana Maraykanka uusan sii wadi karin inuu Yurub u arko mudnaanta koowaad. Hadalladaas ayaa hadda u muuqda kuwo si buuxda ugu soo baxay NSS-ka cusub.

Qaybta dhaqaalaha ee dukumentiga ayaa si xooggan u weerartay siyaasadihii ganacsi ee hore. Waxay ku eedeysay “elites globalist” inay wiiqeen warshadaha Maraykanka, waxayna ballanqaadday in la ballaariyo heshiisyada laba-geesoodka ah ee lagu helayo macdanta muhiimka ah. Sidoo kale waxay ballanqaadday sii wadidda siyaasadda canshuuraha adag.

Bariga Dhexe, NSS-ku wuxuu hoos u dhigay muhiimadda qorshayaasha nabad dhisidda ee muddada dheer. Tani waxay dhalisay su’aalo ku saabsan is-waafajinta siyaasadda Trump, maadaama uu hore u soo jeediyay inuu hoggaamiyo guddi cusub oo maamula Qaza.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *