Shirweynaha adkeysiga xiriirka Qurbe-joogta Soomaaliyeed ee waddamada Nordic-ga, ayaa berri ka furmaya magaalada Helsinki ee caasimadda dalka Finland.
Shirkaan oo si heer sare ah loo diyaariyey, waxaa fogaan aragga uga qeyb-gali doona masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Abdisalaam Abdi Ali, Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, xubno ka socda Barlamaanka dalka Finland oo madasha imaan doona iyo marti ka kala timid waddamada Nordic.
Shirkaan waxaa soo qaban-qaabiyey madasha Nordic-som oo ay hoggaaminayaan aqoonyahanno Soomaaliyeed ah, iyadoo diiradda shirka uu yahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Qurbe-joogta oo door muhiim ah ku leh horumarka Soomaaliya gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha.
