Niyad -jab weyn ayaa ka muuqday Ra’iisul wasaaraha Finland.

Niyad-jab weyn ayaa si cad uga muuqatay hadalkii ra’iisul wasaare Petteri Orpo (Kokoomus) kadib markii guusha doorashada ee SDP la xaqiijiyay, sida uu sheegay madaxa wararka ee YLE, Paula Pokkinen.

– “Xisbiga Kokoomus wuxuu lumiyay kaalintii ugu sarreysay ee xisbiyada ugu waaweyn magaalooyinka, halkaasoo Kokoomus had iyo jeer uu xisbiga ugu weyn ka ahaa,” ayay tiri Pokkinen.

Dooradhooyinkii Finland ayaa soo gabogaboobay xalay, Xisbiga SDP ayaa si weyn ugu guuleystay doorashadii golaha deegaanka ee magaalada Tampere.

SDP ayaa helay 29% codadkii dadka reer Tampere, taasoo ah koror dhan 4.6 dhibcood marka loo eego doorashadii hore ee deegaanka.

Xisbiga SDP wuxuu yeelan doonaa saddex kursi oo dheeraad ah golaha deegaanka cusub marka loo eego tirada ay hadda haystaan.

Xisbiga labaad ayaa noqday Kokoomus, oo helay 25% codadka, waxaana tirada kuraastooda ay tahay tii hore oo kale, isbedelna kuma imaan.

Guddoomiyaha xisbiga Perussuomalaiset, Riikka Purra, ayaa Axaddii si daah-furan u qirtay natiijada doorashada: “Markan si xun ayaan ugu guuldarreysanay.”

Xisbiga Perussuomalaiset ayaa si weyn hoos ugu dhacay doorashooyinkii gobollada iyo degmooyinka, waxaana uu galay kaalinta lixaad, isagoo ka dambeeyay xisbiyada Keskusta, Vasemmistoliitto, iyo Xisbiga Cagaaran (Vihreät).

Doorashada ayaa lagu arkay codad la diiday oo ka badan sidii caadiga ahayd – agaasimaha doorashooyinka ayaa sheegay in dadka “ku argagaxeen” gudaha qolalka codbixinta.

Doorashooyinkii gobollada iyo degmooyinka waxaa lagu tiriyay codad la diiday oo si aad ah uga batay kuwii hore. Doorashada gobollada, codadka la diiday ayaa mararka qaar gaadhay ilaa toban jeer intii ay ahaayeen doorashadii 2022. Guud ahaan dalka, ilaa habeenkii bartii waxaa la diiday in ka badan 76,000 oo cod, halka doorashadii hore la diiday wax ka badan 7,100 oo cod.

Tirada codadka la diiday waxay la mid tahay intii laga diiday doorashooyinkii sanadkii 1996, sida uu sheegay agaasimaha doorashooyinka ee Wasaaradda Caddaaladda,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *