Dowlada & Dimuqraadiyadda
Markab la tuhunsan yahay inuu yahay markab basaasiin Ruush ah oo ku sii jeeda Finland.
Hay’adaha ammaanka ee Yurub ayaa muddooyinkii u dambeeyay danaynayay dhaqdhaqaaqyada markabka xamuulka ah ee HAV Dolphin, oo laga leeyahay dalka Norway. Dowladaha Jarmalka iyo Nederland ayaa ugu yaraan tuhunsanaa in markabkan uu yahay markab sirdoon oo Ruushku leeyahay. HAV Dolphin, oo hadda wata calanka Antigua iyo Barbuda, ayaa ku sugan Badda Baltic isagoo ku sii…
Aqoonsiga Macron ee Falastiin: Ma leeyahay saameyn dhab ah?
Go’aanka Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu ku aqoonsaday Falastiin inay tahay dowlad madax bannaan waxaa loo fasirtay mid geesinimo ah ama halis ku ah danaha diblomaasiyadeed ee Faransiiska, balse si kastaba ha ahaatee, tallaabadaasi waxay yeelan kartaa saameyn dhow ama fog mustaqbalka. Macron ayaa ku dhawaaqay inuu si rasmi ah uga dhigi doono aqoonsigan mid…
Boqortooyada Midowday oo hoos u dhigayso da’da codbixinta ilaa 16 jir ee England iyo Waqooyiga Ireland
Boqortooyada Midowday ayaa maanta ku dhawaaqday in da’da codbixinta laga dhigi doono 16 sano ee gobollada England iyo Waqooyiga Ireland marka la gaaro doorashada guud ee soo socota, taas oo qeyb ka ah isbeddel weyn oo lagu sameynayo nidaamka doorashada. Haddii isbeddelladan la ansixiyo, waxay ka dhigayaan in da’da codbixintu noqoto 16 sano guud ahaan Boqortooyada Midowday, iyada oo…
Trump oo wajahaya kalsooni-darro ka dhex taagan taageerayaashiisa MAGA kadib fadeexadda Epstein
Helsinki Finland –– Waxaa isa soo taraya dareen naceyb ah iyo niyad-jab ka dhex aloosan taageerayaasha adag ee madaxweyne Donald Trump, kadib sida xukuumaddiisu u maareysay arrinta Jeffrey Epstein. Qaar badan oo ka mid ah hormuudka dhaqdhaqaaqa “Make America Great Again” MAGA ayaa sheegaya in Trump uu ka sii fogaanayo xudunta taageerayaashiisa, iyadoo la dareemayo khiyaano. Maxaa…
Mareykanka oo cunaqabatayn kusoo rogay khabiir ka tirsan Qaramada Midoobay Francesca Albanese kadib dhaleeceynteedii Israel.
Washington, DC – Xukuumadda madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa cunaqabatayn kusoo rogtay Francesca Albanese, oo ah khabiirka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha ee dhulka Falastiiniyiinta la haysto, kadib markii ay si cad u cambaareysay xadgudubyada Israel ka geysaneyso Qaza. Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa Arbacadii ku dhawaaqay cunaqabataynta, isagoo…
Guddiga Midowga Yurub oo wajahaya mooshin kalsooni kala noqosho ah.
Mooshinka kalsoonida lagala noqonayo Guddiga Midowga Yurub ee la horgeeyay Baarlamaanka Yurub ayaa la gorfeyn doonaa Isniinta dambe, markaas oo Ursula von der Leyen ay doodi doonto si ay u difaacdo kursigeeda siyaasadeed, kahor inta aanay xubnaha Baarlamaanka Yurub (MEPs) codkooda dhiiban Khamiista. Codbixintu waa in ay dhacdaa ugu yaraan 48 saacadood kadib bilowga dooda….
Elon Musk oo ku dhawaaqay xisbi siyaasadeed cusub oo uu sameysanayo kaddib kala taggoodii Trump!
Elon Musk ayaa ku dhawaaqay in uu aas-aasay xisbi siyaasadeed cusub oo Maraykanka ah, kadib markii uu si weyn uga horyimid madaxweyne Donald Trump iyo sharciga miisaaniyadda iyo canshuur dhimista ee uu Trump saxiixay. Musk wuxuu sheegay in xisbigan cusub oo la yiraahdo America Party uu yahay mid u taagan “inuu dadka dib ugu celiyo xorriyaddooda”. Wuxuu…
MAQAAL: Kala Fogaanshaha Siyaasadeed ee Mareykanka iyo Yurub – Hubka Nukliyeerka iyo Mustaqbalka Amniga Caalamka
Feysal Muuse – Nordic Vision TV Helsinki, Finland – Hadalka Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ee uu ka sheegay telefishinka Ruushka horaantii bishaan Maajo, kuna saabsan in aan la rabo in la adeegsado hubka nukliyeerka, ayaa dib u soo celiyay doodda amni ee dunida gaar ahaan Yurub. iyadoo Ruushku uu dagaal ku hayo Ukraine tan iyo…
Xiisad ayaa ka dhex taagan Trump iyo Netanyahu toddobaadyadii u dambeeyay
Sida ay werisay shabakadda wararka NBC, iyagoo soo xiganaya mas’uuliyiin Mareykan ah iyo ilo diblomaasiyadeed, waxaa si isa soo taraysa khilaaf siyaasadeed u dhexeeya madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu. Warbixintu waxay sheegtay waxyaabaha soo socda: Khilaafka u dhexeeya Trump iyo Netanyahu ayaa aad u kordhay toddobaadyadii la soo dhaafay, gaar…
Hoggaamiyeyaasha Yurub oo la kulmay Zelenskiy si ay ugu cadaadiyaan Ruushka xabbad-joojin 30 maalmood ah
Taariikh: 10-ka May, 2025 | Helsink-Finland Hoggaamiyeyaal ka socda dalalka Yurub ayaa maanta tagay magaalada Kyiv ee caasimadda Ukraine, halkaas oo ay kula kulmeen madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy si ay Ruushka ugu cadaadiyaan inuu aqbalo xabbad-joojin 30 maalmood ah oo aan shuruud lahayn. Wafdiga Yurub waxaa ka mid ahaa: • Ra’iisul Wasaaraha UK Keir Starmer • Madaxweynaha…
