Mareykanka oo cunaqabatayn kusoo rogay khabiir ka tirsan Qaramada Midoobay Francesca Albanese kadib dhaleeceynteedii Israel.

Washington, DC – Xukuumadda madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa cunaqabatayn kusoo rogtay Francesca Albanese, oo ah khabiirka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha ee dhulka Falastiiniyiinta la haysto, kadib markii ay si cad u cambaareysay xadgudubyada Israel ka geysaneyso Qaza.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa Arbacadii ku dhawaaqay cunaqabataynta, isagoo ku eedeeyay Albanese inay waddo “ol’ole siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo liddi ku ah Mareykanka iyo Israel.”

Francesca Albanese waxay ka mid tahay codadka ugu xooggan ee caalamka ka hadla xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee Israel ka fuliso dhulka Falastiiniyiinta la haysto, waxayna si joogto ah ugu baaqdaa in la joojiyo dambiyadaas oo lala xisaabtamo mas’uuliyiinta ka dambeeya.

Sanado badan, Israel iyo taageerayaasheeda waxay cambaareynayeen Albanese iyagoo ku baaqaya in laga saaro xilkeeda Qaramada Midoobay.

Markii ay la xiriirtay Al Jazeera, Albanese waxay iska indhatirtay cunaqabataynta Mareykanka, iyadoo sheegtay inay diiradda saareyso shaqadeeda.

“Wax faallo ah kama hayno farsamooyinka handadaadda ee qaabka mafia-da ah,” ayay ku tiri fariin qoraal ah. “Waxaan mashquul ku ahay inaan xasuusiyo dalalka xubnaha ka ah QM waajibaadkooda ku aaddan joojinta iyo ciqaabidda xasuuqa. Iyo kuwa ka macaasha.”

Isla Arbacadii, waxay si adag u dhaleeceysay dowladaha Yurub oo u oggolaaday Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu – oo ay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) u raadinayso dambiyo dagaal oo ka dhacay Qaza – inuu adeegsado hawadooda marka uu socdaalayo.

“Muwaadiniinta Talyaaniga, Faransiiska iyo Giriigga waxay xaq u leeyihiin inay ogaadaan in tallaabo kasta oo siyaasadeed oo jebisa nidaamka sharciga caalamiga ah, ay daciifinayso oo khatar gelinayso dhammaan dadkaas. Iyo dhammaanteenna,” ayay Albanese ku qortay baraha bulshada.

Marco Rubio wuxuu sheegay in sababta sharciga ah ee cunaqabataynta ay tahay dadaallada Albanese ay ku doonayso in mas’uuliyiinta Israel loosoo taago maxkamadeynta ICC.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *