Armenia iyo Azerbaijan oo u dhaw heshiis nabadeed, iyagoo meesha ka saaraya Ruushka.

Ra’iisul Wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan iyo Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa maanta ku kulmaya magaalada Abu Dhabi si ay uga wada hadlaan tallaabooyinka xiga ee lagu dhammeystirayo heshiiska nabadda, kadib ku dhowaad afartan sano oo colaad ah.

Kani waa kulankii ugu horreeyay ee rasmi ah oo labada hoggaamiye yeeshaan tan iyo markii ay isla oggolaadeen qoraalka heshiiska nabadda. Natiijada kulankan ayaa saameyn weyn ku yeelan doonta mustaqbalka Koonfurta Qafqaaska, maadaama Ruushku uu markii ugu horreysay ka maqanyahay arrimaha u dhexeeya Armenia iyo Azerbaijan.

Richard Giragosian, Agaasimaha Xarunta Daraasaadka Gobolka (RSC) ee fadhigeedu yahay Yerevan, ayaa u sheegay Euronews in: “Ruushku uu ku mashquulsan yahay dagaalka Ukraine, taasina ay keentay in si dhab ah looga reebo masraxa.”

Ruushka oo meesha laga saarayo

Maqnaanshaha Ruushka ma ahan mid ka yimid Moscow lafteeda, balse labada dal ee Armenia iyo Azerbaijan ayaa si tartiib tartiib ah uga fogaaday Kremlin-ka, iyadoo xiriirkoodii Ruushka uu si weyn u xumaaday sanadihii la soo dhaafay.

Kulankan Abu Dhabi waxa uu daba socda kulan kale oo dhex maray Ra’iisul Wasaaraha Armenia iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, taasi oo Giragosian ku tilmaamay “horumar la yaab leh oo diblomaasiyadeed.”

Gacanta Ruushka oo laga saaray Koonfurta Qafqaaska

Tan iyo markii uu Ruushku ku mashquulay Ukraine, waxa uu si tartiib ah u lumiyay saameyntii uu ku lahaa wadamadii hore uga tirsanaa Midowgii Soofiyeet. Isbeddelka ugu weyn waxa uu ka dhacay Koonfurta Qafqaaska. Bishii Sebtembar 2023, Azerbaijan waxa ay si buuxda ula wareegtay gobolka Karabakh kadib weerar degdeg ah oo militari, iyadoo Ruushku aanu wax taageero ah siin Armenia.

Giragosian wuxuu sheegay in dagaalkaasi uu Armenia tusay in aan lagu kalsoonaan karin taageerada Ruushka, sida ay sidoo kale horey u dareemeen Suuriya iyo Iran. Wuxuu xusay in Armenia ay garatay in Ruushku yahay “cid aan lagu hallayn karin,” gaar ahaan wixii ka dambeeyay dagaalkii lixda toddobaad socday ee 2020.

Ruushka oo isku dayaya inuu dib u soo ceshado saameyntii

Si uu dib ugu soo laabto saameyntii uu ku lahaa Armenia, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa 20-kii May booqday Yerevan. Laakiin isla waqtigaas, Armenia waxa ay wajahaysay laba olole oo been abuur ah oo ka yimid Moscow.

Midka koowaad wuxuu ku saabsan yahay warar sheegaya in Ruushku uu xoojinayo saldhiggiisa militari ee magaalada labaad ee Armenia, Gumri, warkaasi oo ay dowladda Armenia si adag u beenisay. Ujeeddada ka dambeysa warkan ayaa ah in la cabsi geliyo Midowga Yurub iyo dowladda Armenia oo aad ugu sii dhowaanaysa Yurub.

Ololaha labaad wuxuu ku saabsan yahay sheegashooyin ah in Mareykanku uu “ka dhisay xarun hubka” gudaha Armenia,  sheegashooyin been ah oo Ruushku horey uga sheegay Ukraine iyo Georgia.

Isku-daygii afgembi ee Armenia

Dabayaaqadii Juun, 15 qof oo uu ku jiro laba baadari sare oo ka tirsan kaniisadda Ortodokiska Armenia ayaa la xiray, iyagoo lagu eedeeyay in ay doonayeen afgembi. Ra’iisul Wasaare Pashinyan ayaa sheegay in la fashiliyey qorshe ballaaran oo “dambiileyaal, ganacsato iyo culimo isku bahaysteen” si ay xukunka u la wareegi rabeen.

Waxaa sidoo kale la xiray Samvel Karapetyan, ganacsade Ruush ah oo asal ahaan Armenian ah, kaas oo maamula shirkadda tamarta Armenia. Karapetyan ayaa taageero muuqata siiyay kaniisadda, isagoo yiri: “Haddii siyaasiyiintu ku guulaysan waayaan, annaga ayaa u dhaqaaqi doona si gaar ah.”

Giragosian ayaa sheegay in isku-dayadan afgembi aysan dhab ahaantii ahayn kuwo halis ah, wuxuuna intaa ku daray: “Shan jeer oo hore ayaa la isku dayay in la afgambiyo xukuumadda Pashinyan tan iyo markii uu xukunka la wareegay 2018.”

Caqabadda ka imaanaya Ruushka

Inkastoo Ruushku uusan hadda awood u lahayn inuu si toos ah u farageliyo Armenia sababo la xiriira dagaalka Ukraine.

Sanadka 2025, Armenia waxay bilaabtay dadaallo ay ugu dhowaanayso Midowga Yurub, waxayna baarlamaankeeda ansixiyeen sharci u gogol xaaraya geeddi-socodka xubinnimada EU-da.

Giragosian wuxuu yiri: “Duruufaha dagaalka Ukraine waxay Armenia iyo deriskeeda baraan laba cashar — tan hore waa in ciidamada Ruushku ay aad u liitaan marka la eego awoodda dhabta ah; tan labaadna waa in mustaqbalka Armenia uu yahay dhanka Galbeedka.”

Faragelinta mustaqbalka Ruushka

Inkasta oo Ruushku hadda ku mashquulsan yahay dagaalka, Giragosian wuxuu ka digay in “maalinta Putin ka tago awoodda, ay dhici karto in Ruush daciif ah oo ku dhex jira dagaal awood qeybsi uu dhibaato weyn u keeno gobolka.”

Isagoo si gaar ah u eegaya doorashooyinka Armenia ee la filayo in ay dhacaan bisha Juun 2026, ayuu sheegay in Yerevan si dhow ula socoto waxa ka dhacaya Moldova — halkaas oo Ruushku durba bilaabay olole xog been ah oo uu saameyn ugu yeelanayo doorashooyinka.

Armenia iyo Turkiga oo xiriir caadiyeynaya

Dhinaca kale, Armenia waxay sidoo kale wajaheysaa isbeddel cusub oo xiriir diblomaasiyadeed ah oo ay la leedahay Turkiga. Giragosian wuxuu sheegay in Turkigu “doonayo inuu dib u soo ceshado doorkiisii gobolka,” gaar ahaan dhinaca ganacsiga, isagoo rajeynaya in xudduudda u dhaxeysa labada dal dib loo furo.

Wuxuu intaa ku daray in “waxaa la filayaa in la helo xaalad guul u ah labada dhinac, gaar ahaan dhinaca ganacsiga iyo gaadiidka — arrintaasina waxay horseed u tahay horumarka diblomaasiyadeed.”

Inkasta oo Armenia iyo Azerbaijan ay hadda dhisayaan mustaqbal cusub oo nabadeed, hadana Giragosian wuxuu ka digay in khatarta dhabta ah aysan ka iman doonin isbeddelada gudaha Armenia, balse ay ka iman karto dhanka Ruushka — gaar ahaan “maalinta Putin ka boxo masraxa siyaasadda.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *