China iyo EU oo ka jawaab kulul siiyay Mareykanka.

Dowladda Shiinaha iyo Dowladaha Midowga Yurub, ayaa billaabay wada-xaajoodyo ay ku xoojinayaan iskaashigooda ganacsi, iyagoo ka jawaabaya canshuuraha uu dhawaan soo rogay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, sida uu sheegay wasiirka ganacsiga Shiinaha, Wang Wentao oo hab fogaan-arag ah wada-hadal kula yeeshay madaxa ganacsiga Yurub iyo amniga dhaqaalaha,Maros Sefcovic.

Labada dhinac ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay sida ay sare ugu qaadi lahaayeen is dhaafsigooda ganacsi, xilli la xaqiijiyay in xubnaha Midowga Yurub ka tirsan ay booqan doonaan Shiinaha , si ay sare ugu qaadaan iskaashigooda ganacsi.

Mareykanka ayaa dhawaan waxa uu soo rogay canshuuro badan oo lagu soo rogay wadamo badan oo ay kamid yihiin wadamada midoga Yurub inkastoo maalinnimadii shalay uu ka laabtay qaar kamid ah canshuura badnaa ee uu dhawaan soo rogay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *