Waxaa sii daciifaya kalsoonida shacabka Finland ku qabaan xukuumadda hadda jirta!

Kalsoonida muwaadiniinta ee ku aaddan kartida dawladda hadda jirta inay dalka si wanaagsan u maamusho ayaa sii daciiftay, sida lagu ogaaday cilmi-baaris ay samaysay Kunnallisalan kehittämissäätiö.

Cilmi-baarista, in ka badan kala bar dadka la wareystay, oo ah 54 boqolkiiba, ayaa shaki ka muujiyay kartida dawladda. Finland ee hadda dalka ka talisa, heerka dadka u arka in dawladda ay karti yar tahay ayaa kor u kacay 8% (siddeed boqolkiiba) marka loo eego bishii Juun sanadkii hore ee 2024.

Cilmi-baaristan waxaa fuliyay shirkadda Verian, waxaana lagu wareystay qiyaastii kun qof oo qaangaar ah bishii Abriil ee sannadkaan 2025, Qiyaasta qaladka ee cilmi-baaristu waa ugu badnaan saddex boqolkiiba.

Xukuumadda Finland  ee hadda ayaa lagu dhaleeceeyaa inay si ula kac ah u burburineyso ama u daciifineyso adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada oo ay Finland caalamka oo dhan ugu jirto safka hore waddamada ugu wanaagsan, taasina waxay dhallisay niyad jabka shacabka, xilli si weyn looga dareemay doorashooyinkii goleyaasha deegaanka gobollada iyo degmooyinka ee dhacay bishii hore  in xisbiyada dowladda ku jira looga adkaaday, taas oo la macno ah ciqaabta shacabka ka imaanaysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *