Riikka Purra wasiirka Maaliyadda Finland oo dood weyn a dhex kicisay xisbiyada siyaasadda

Qoraal ay wasiirka Maaliyadda Finland  ahna guddoomiyaha Perussuomalaiset, Riikka Purra, ku baahisay baraha bulshada ayaa kiciyay dood siyaasadeed oo xooggan, gaar ahaan arrinta shaqo-soo-gelinta. Xisbiga SDP ayaa si kulul ugu eedeeyay Perussuomalaiset in siyaasaddooda ay sababtay in Finland ka yaraato tirada khubarada caalamiga ah ee soo galeysa.

Xogta iyo jaantuska ay soo bandhigtay Purra

Sabtidii, Purra ayaa barteeda X (Twitter hore) soo dhigtay jaantus muujinaya in qeybtii hore ee sanadkan (2025) tirada khubarada gaarka ah ee ka imaanaya dalalka aan ka tirsanayn EEA (ETA) ay ahaayeen kaliya 2,1% dhammaan socdaalka.

Purra ayaa hadalkeeda ku lifaaqday dhaliil uu Guddoomiyaha SDP Antti Lindtman ku sheegay barnaamijka Yle Ykkösaamu, halkaas oo uu ku tilmaamay in siyaasadda PS ay wiiqeyso soo jiidashada khubarada caalamiga ah.

SDP: Khubaro ayaa ka jeesaneysa Finland

Ku-xigeenka guddoomiyaha kooxda baarlamaanka ee SDP, Piritta Rantanen, ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in intii uu jiray xukunka Orpo–Purra, tirada khubarada ka imaanaysa dalalka aan EEA ahayn ay hoos uga dhacday in ka badan kala bar.

“Socdaalka guud ee dalka soo gala ma yara, balse dadka haysta fursad ay ku doortaan dal ay shaqeeyaan, hadda mar dambe ma dooranayaan Finland,” ayay tiri Rantanen.

Sida laga soo xigtay tirakoobka Maahanmuuttovirasto (Migri):

  • 2022: in ka badan 2,700 rukhsad deggenaansho oo khubaro ah ayaa la bixiyay.
  • 2024: tiradu waxay hoos ugu dhacday wax ka yar 1,100.
  • 2025: isbeddelka weli waa mid hoos u sii socda.

Sababaha hoos u dhaca

Migri ayaa tilmaamay in arrimo badan ka dambeeyaan:

Dhaqaalaha Finland oo daciif ah.

Tartanka adag ee caalamiga ah ee loo galay xirfadlayaasha sare.

Hoos u dhaca codsiyada muwaadiniinta Ruushka oo hore u sameyn jiray dalabyo badan.

Rantanen ayaa haddana ku adkeysatay in Perussuomalaiset aysan ka baxsan karin mas’uuliyadda, maadaama ay yihiin xisbi haya wasaaradda maaliyadda isla markaana “hadallo cunsuri ah si joogto ah u faafiya”.

Mowqifka Purra

Purra ayaa horey u sheegtay in PS aysan ka soo horjeedin shaqaalaha xirfadlayaasha ah, balse ay jirto xaqiiqo ah in Finland aysan bixin karin mushahar iyo canshuuro tartan la gala dalal kale.

“Khubaro saf uma galayaan Finland, sida qaar sheegaan. Dalkeenna sidoo kale kuma xallin doono dhibaatooyinka gudaha sida tan caafimaadka iyadoo la adeegsanayo shaqaale soo galootiga ah,” ayay tiri Purra.

Waxay sidoo kale ku dartay in in kasta oo khubarada sare ay faa’iido dhaqaale keeni karaan, haddana tiradooda sii yaraaneyso, sanadkan ayaana noqon kara kii ugu hooseeyay shantii sano ee ugu dambeysay.

Doodda siyaasadeed ee socda waxay muujineysaa kala duwanaanshaha aragti ee u dhexeeya PS iyo SDP:

SDP waxay sheegaysaa in siyaasadda PS dhaawacayso sumcadda Finland oo ka eryeysa khubaro muhiim u ah kobaca dhaqaalaha.

PS waxay ku doodaysaa in Finland aanay ahayn meel soo jiidasho leh marka loo eego mushaharka iyo canshuuraha, isla markaana shaqaale ajnabi ah aysan xal u ahayn dhibaatooyinka gudaha.

Waxaa muuqata in dooddan sii xoogeysan doonto, iyadoo Finland wajahaysa tartan adag oo caalami ah si loo soo jiito xirfadlayaal heer sare ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *