Dalka Lithuania ayaa ku rakibtay xadka uu la leeyahay dhulka go’doonsan ee Ruushka ee Kaliningrad waxa loo yaqaan “ilko masduulaag” (dragon’s teeth) oo ah dhagaxyo saddex-xagal ah oo loogu talagalay in ay hor istaagaan taangiyada, sida uu sheegay Raimundas Vaiksnoras, taliyaha ciidanka Lithuania.
Wasaaradda Difaaca Lithuania ayaa Sabtidii ku dhawaaqday in la dhammeystiray dhismaha caqabadahaas, taas oo qayb ka ah qorshe ballaaran oo isdifaac ah oo dalkaasi qaaday si looga hortago weerar kasta oo ka yimaada Ruushka.
“Waxaan ka bilaabaynaa heerka istaraatiijiyadda hoose – inaan caqabado gaara dhigno xadka – waxaana markii dambe isu geyn doonaa dhammaan qorshaha injineernimada si uu u noqdo nidaam mideysan,” ayuu yiri taliyaha ciidanka Lithuania.
Wasaaradda Difaaca Lithuania ayaa sidoo kale ku sheegtay qoraal lagu daabacay baraha bulshada in talaabadani tahay “tallaabo taxaddar ah oo lagu xaqiijinayo difaac waxtar badan.”
Saddexda dal ee Baltiga – Lithuania, Latvia iyo Estonia – ayaa xuduud la leh Ruushka, halka Lithuania iyo Latvia ay xuduud la leeyihiin Belarus oo ah saaxiib dhow oo Moscow ah. Saddexdan dal oo markii hore uu qabsaday Midowgii Soofiyeeti ayaa kordhiyay heegan ciidan tan iyo markii uu bilowday dagaalka Ukraine 2022.
Ciidanka Lithuania ayaa sheegay inay doonayaan inay xaddidaan isticmaalka waddooyinka yaryar ee aan hadda la adeegsan ee isku xira dalka iyo Ruushka si loo yareeyo khatarta weerar dhul ah. Waxa kale oo caqabado cusub la dhigay xuduudaha aan hadda shaqayn ee u dhexeeya Lithuania iyo Belarus – sida Sumskas, Lavoriski, Raigardas iyo Latezeris– iyo sidoo kale xadka Romaniskes ee la wadaago Kaliningrad.
Bishii Luulyo, Latvia ayaa iyaduna ku dhawaaqday inay dhiseyso dhagaxyo culus oo ka hortagaya taangiyada (concrete anti-tank pyramids) xadka ay la wadaagto Ruushka.
