Xal laga gaaray khilaafkii shaqaalaha duulista hawada Finland.

Muddo kala-goynta heshiiska shaqada ayaa noqonaysa ku dhawaad hal sano iyo bar.

Helsinki –Finland-  Xal ayaa laga gaaray khilaafkii shaqo ee ka dhex taagnaa adeegyada duulista hawada, sida lagu sheegay farriin uu xafiiska Dhexdhexaadiyaha Qaranka ku baahisay barta (X).

Ururka Shaqaalaha Duulista Hawada ee Finland (IAU) iyo Ururka Shaqaalaha Adeegyada (Palta) ayaa Sabtidii fiidkii aqbalay soo-jeedintii saddexaad ee heshiis dhexdhexaadin ah. Tani waxay ka dhigan tahay in shaqo-joojinadii lagu dhawaaqay ee dhici lahayd 16–25 Luulyo la baajiyay.

Palta waxay sheegtay in muddada heshiiska shaqadu ay tahay qiyaastii 1.5 sano.

Sida ay IAU sheegtay, inta lagu guda jiro muddada heshiiska, labada dhinac waxay si wadajir ah u qiimeyn doonaan saamaynta heshiisyadii keydka (säästösopimukset) ay ku yeesheen dakhliga shaqaalaha, si loo tixgeliyo arrimahaas marka la gaaro wadahadallada mustaqbalka.

Kororka mushaharka muddadaas wuxuu raacayaa siyaasadda mushaharka guud ee dalka (yleinen linja), waxaana la sheegay in aan wax isbeddel qoraaleed ah lagu samaynin heshiiska shaqada.

Dhinacyadu way ku faraxsanyihiin dhammaadka heshiiska, balse arrinta ugu adag lama xalin

Inkastoo la gaaray heshiis, haddana arrinta ugu weyn ee khilaafka horseeday laguma xalin heshiiska hadda la gaaray. Si kastaba ha ahaatee, waxaa heshiiska lagu daray in la dhiso guddi ka wada hadla heshiiskii keydka ee la galay xilligii COVID-19. 

Minna Ääri, oo ah agaasimaha arrimaha shaqaalaha ee Palta, waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay in khilaafka la soo afjaray:
“Waxyeelo badan ayaa laga dhaxlay arrintaan, annagana waxaan doorbiday in aan aqbalno xal u horseedaya dhammaadka khilaafkaan,” ayay u sheegtay Svenska Yle.

Si kastaba ha ahaatee, Ääri waxay sheegtay in heshiiska la ansixiyay ka maqnaayeen qodobo qoraaleed muhiim ah oo ay Palta jeclaan lahayd in lagu daro, gaar ahaan kuwa la xiriira horumarinta heshiiska shaqaalaha. Ma aysan faahfaahin qodobbadaas si gaar ah.

Juhani Haapasaari, oo ah guddoomiyaha IAU, isna wuxuu muujiyay rajo weyn oo uu ka qabo in la gaaray is-faham:
“Waa ka wanaagsan tahay in [khilaafku] sii jiitamo, markaas arrintaas waan ku qanacsannahay,” ayuu u sheegay Svenska Yle.

Haapasaari wuxuu sidoo kale sheegay in heshiiska la gaaray uusan ahayn guul buuxda oo IAU u ah. Ururku wuxuu jeclaa in la isla tago Maxkamadda Shaqaalaha si loo helo fasiraad sharciyeed oo rasmi ah oo ku saabsan heshiiska keydka, balse fursaddaas ayaa lagu daray heshiiska hadda la gaaray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *