Finland oo sameysay qalab lagu ogaan karo cidda mushaarkeedu kordhi doono.

Gu’gan waxaa la gaaray heshiisyo mushahar kordhin ah oo saameynaya in ka badan hal milyan oo qof oo reer Finland ah. Yle waxay isu keentay xogaha si ay u muujiso sida mushaharrada loo kordhin doono qaybaha kala duwan ee shaqada.

Inkastoo celceliska kororka uu yahay 7.8% muddo saddex sano ah – taas oo si la mid ah u saameyneysa qeybaha kala duwan – haddana tiradaasi ma qeexeyso faahfaahinta dhabta ah ee kordhinta. Tusaale ahaan, mushaharka booliiska wuxuu korayaa 2.4% bisha Luulyo 2025, taas oo macnaheedu yahay in vanhempi konstaapeli Seppo Ijäs uu heli doono 90 euro dheeraad ah bishii.

Seppo Ijäs wuxuu muujiyay qanacsanaan isagoo sheegay inuu si dhab ah u mutaystay kordhintaas, wuxuuna ku faraxsan yahay in booliiska la siiyay koror la mid ah midka shaqaalaha kale ee waddanka.

Waxaa la diyaariyay qalab (kalkuleytar) aad ku qori karto mushaharkaaga hadda si aad u ogaato inta uu mushaharkaagu korayo sanadaha soo socda. Waxaa sidoo kale la diyaariyay jadwal aad ka eegi karto kordhinta mushaharka ee qaybta aad ka shaqeyso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *