Golaha wasiirrada Soomaaliya, ayaa buriyey dhammaan heshiisyada, amni, difaac, ganacsi iyo iskaashi ee kala dhexeeyey dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, go’aankaan waxaa lagu saleeyey kaddib markii Jamhuuriyadda Soomaaliya ay heshay caddeymo xooggan oo ku filan, kuwaas oo Imaaraadka si gurracan uga shaqeynayey kala qob-qobka Soomaaliya.
Dakedaha dalka, sida Beebara iyo Boosaas maalgashiga ay shirkadda Imaaraadka ee DPWorld ku sameysay ayaa meesha ka baxaya, waxaa si kale loo oran karaa waxaa baaba’aya maamul gobolleedyada u adeegayey danaha Imaaraadka.


