Uncategorized
Garabka milatari ee Xamaas ayaa sheegay inay heleen meydadka labo maxbuus oo Israa’iili ah
Garabka milatari ee Xamaas, Qassam, ayaa sheegay inay heleen meydadka labo maxbuus oo Israa’iili ah oo dhintay intii lagu jiray howlgal baaritaan ah oo ay maanta sameeyeen. Labada qof ayaa lagu magacaabay Amiram Cooper iyo Sahar Baruch, sida lagu sheegay bayaan lagu daabacay Telegram. Xamaas ayaa sheegtay in weli ay jiraan 13 meydad oo la…
Australia waxay dhaleecaysay Israa’iil ka dib markii fiisaha dublamaasiyiinta lagala noqday.
Australia ayaa si ba’an u dhaleecaysay Israa’iil ka dib markii ay kala noqotay fiisihii ay ku joogeen wakiilada diblumaasiyadeed ee Canberra ee maamulka Falastiin, taasoo sii kordhisay xiisadda u dhaxaysa labada dawladood. Talaabadan ayaa timid saacado kadib markii Australia ay kansashay fiisaha siyaasiga midigta fog ee Israa’iil Simcha Rothman, oo xubin ka ah isbahaysiga ra’iisul…
Isra’iil oo wali daadineysa dhiiga shacabka Falastiin.
Israa’iil ayaa ugu yaraan 21 qof ku dishay Qaza iyadoo Xamaas ay ansixisay hindise xabbad-joojin ah. Xamaas ayaa sheegtay inay ku wargelisay dhexdhexaadiyayaasha inay ansixiyeen soo jeedinta heshiis xabbad-joojin ah oo Qaza laga gaarayo, kaas oo ay ku jiraan xabbad-joojin 60 maalmood ah. Ugu yaraan lix qof ayaa lagu dilay weerarrada Israel ay ku qaadday…
Qabaa’ilka Sunniyiinta oo isaga baxay goobihii dagaalka ee koonfurta Suuriya.
Dagaalyahannada hubeysan ee reer badiyaha Suuriya ayaa sheegay in ay ka baxeen magaalada Sweida kadib toddobaad ay dagaallo ka socdeen halkaas. Dagaalyahanno ka tirsan beelaha Bedouin ayaa Sabtidii lagu arkay deegaanka Mazraa oo ku yaalla duleedka magaalada Sweida ee koonfurta Suuriya. Beelaha Bedouin-ka ee hubeysan waxay sheegeen in ay dib uga laabteen magaalada Sweida oo…
Dagaalka Hindiya iyo Pakistan waxa uu saameyn ku yeeshay duulimaadyada qaar ee Finnair.
Ciidanka Cirka Pakistan ayaa soo riday shan diyaaradood oo dagaal oo ay leedahay Ciidanka Cirka India, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Pakistan iyo warbaahinta maxalliga ah. Tani waxay timid kadib markii weerarro gantaallo ah oo India ku qaaday gudaha Pakistan ay ku dhinteen 8 qof, 35 kalena ay ku dhaawacmeen, halka laba qofna la la’yahay. Wasiirka…
Jahwareerka Canshuuraha oo wali ka taagan Mareykanka iyo Midowga Yurub.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horey u qaaday tallaabooyin uu ku doonayo in uu canshuurro saaro alaabaha semiconductor-yada (chip-yada elektaroonigga ah) iyo dawooyinka, xilli uu sidoo kale muujiyay suurtagalnimada in laga yareeyo canshuuraha la saaray warshadaha gawaarida. Isniintii, maamulka Trump ayaa shaaciyay go’aanno cusub oo la xiriira ganacsiga, iyadoo la bilaabay baaritaanno ku saabsan sida…
Mareykanka oo shaki ka qaaday Talaalka caruurnimada.
Hey’adda ugu sarreysa caafimaadka dalka Mareykanka ayaa bilaabi doonta baaritaan iyo cilmi-baaris ballaaran si loo ogaado sababta keenta autism-ka, sida uu Khamiistii ku dhawaaqay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Bulshada, Robert F. Kennedy Jr. Kennedy, oo si weyn ugu caan baxay dhaliisha tallaalka carruurta isla markaana taageersan aragti la beeniyay oo sheegaysa in tallaalada carruurnimada…
Booliiska Talyaaniga oo ku raad-jooga dhallinyaro Pakistaaniyiin ah
Booliska Talyaaniga ayaa xiray laba nin oo u dhashay Pakistan kuwaas oo lagu eedeeyay in ay afduubeen, baadeen, kadibna ka tuureen dabaqa saddexaad muwaadin kale oo Pakistani ah, iyagoo ka dalbanayay lacag badan si loo sii daayo. Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Asti ee gobolka Piedmont. Dhibbanaha, oo ah nin dhalinyaro Pakistani ah, ayaa la…
Diyaaradaha Mareykanka oo Yemen duqeeyey iyo Xuutiyiinta oo aargoosi ku hanjabay
In ka badan 30 qof ayaa ku geeriyootay duqeyn ay xalay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka geysteen caasimadda dalka Yemen. 31 qof ayaa la xaqiijiyey halka 101 kalana ay dhaawacmeen, sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ee dalka Yemen. Duqeyntan ayaa la sheegay in lala beegsaday xarumo iyo saldhigyo ay kooxaha Xuutiyiinta ku lahaayeen magaalada Sanca…
Mareykanka oo 43 dal xannibaad ka saaray socdaalka dalkiisa.
Wargeyska The New York Times ee Maraykanka ayaa shalay oo Jimce ahayd daabacay liis cusub oo uu diyaarisay maamulka madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kaasoo mamnuucaya in muwaadiniinta 43 dal ay u safraan wadanka Maraykanka Liiska wadamadaas ayaa la filayaa in Aqalka cad loo gudbiyo usbuuca soo socda. Sida uu wargeysku sheegay, waddamada ku jira liiskan…
