Wargeyska The New York Times ee Maraykanka ayaa shalay oo Jimce ahayd daabacay liis cusub oo uu diyaarisay maamulka madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kaasoo mamnuucaya in muwaadiniinta 43 dal ay u safraan wadanka Maraykanka Liiska wadamadaas ayaa la filayaa in Aqalka cad loo gudbiyo usbuuca soo socda.
Sida uu wargeysku sheegay, waddamada ku jira liiskan waxaa loo kala saaray saddex qeybood oo kala ah Liiska Cas (Red List), Liiska Orange (Orange List), iyo Liiska Jaallaha (Yellow List)
1. Liiska Cas (Red List) – Waddamadan hoos ku qoran ee lagu soo saaray liiska cas waxaa si buuxda looga horjoogsan doonaa inay muwaadiniintoodu galaan wadanka Maraykanka.
• Afghanistan, Bhutan, Cuba, Iran, Libya, North Korea, Somalia, Sudan, Syria, Venezuela iyo Yemen.
2. Liiska Orange (Orange List) – sidoo kale liiskaan oranjiga waddamada lagu soo saaray waxaa lagu soo rogi doonaa xayiraado safar, balse lama joojin doono gabi ahaanba. Waxay ka kooban yihiin.
• Belarus, Eritrea, Myanmar, Pakistan, Russia, South Sudan iyo Turkmenistan.
3. Liiska Jaallaha (Yellow List) – liiskaan jaallaha ah isagana Waddamadan waxaa la siin doonaa 60 maalmood si ay wax uga qabtaan arrimaha ammaanka iyo sharciyada safarka. Haddii aysan buuxin shuruudaha, waxaa la gelin doonaa mid ka mid ah liisaska sare. Wadamadaasna waxaa kamid ah,
• Chad, Mauritania, Cambodia, Cameroon, Angola, Gambia, Congo, Liberia, iyo dhowr dal oo kale oo Afrikaan ah.
Madaxweynaha dalka mareykanka Donald Trump oo dhawaan la wareegay kursiga madaxweynenimada wadanka Mareekanka markii labaad ayaa waxa uu inta uu xilka wadankaasi hayay soo rogay sharciyo badan oo aan horey uga jirin dalka Mareykanka.
