Markab la tuhunsan yahay inuu yahay markab basaasiin Ruush ah oo ku sii jeeda Finland.

Hay’adaha ammaanka ee Yurub ayaa muddooyinkii u dambeeyay danaynayay dhaqdhaqaaqyada markabka xamuulka ah ee HAV Dolphin, oo laga leeyahay dalka Norway.

Dowladaha Jarmalka iyo Nederland ayaa ugu yaraan tuhunsanaa in markabkan uu yahay markab sirdoon oo Ruushku leeyahay.

HAV Dolphin, oo hadda wata calanka Antigua iyo Barbuda, ayaa ku sugan Badda Baltic isagoo ku sii jeeda Magaalada Vaasa ee dalka Finland. Waxaa la filayaa inuu halkaas gaaro maalinta Khamiista subaxnimadii hore.

Wariye ka tirsan warbaahinta Yle (warbaahin Finnish ah) ayaa telefoon kula xiriiray nin sheegtay inuu yahay kabtanka markabka. Ninkaas oo af Ruush ku hadlayay ayaa xaqiijiyay in markabku ku socdo Magaalada Vaasa, balse ninka ma bixin wax faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta magaaladaasi loo doortay “Anigu waxaan fuliyaa shaqadii la ii xil saaro,” ayuu yiri kabtanka.

Markii la weydiiyay waxa markabku sido, wuxuu sheegay in ay tahay sir ganacsi. Sida laga soo xigtay wargeyska Helsingin Sanomat, markabku wuxuu siday biro loo wado shirkad Finnish ah.

Kabtanku wuu diiday inuu ka hadlo eedeymaha basaasnimo, Wuxuu sidoo kale iska diiday inuu wax ka yiraahdo wararka sheegaya in markabku yahay taageere/difaace teknoolajiyadda daroonnada basaaska Ruushka, ka hor intii uusan telefoonka dhigin balse telefoonka ayuu jaray.

Dhaqdhaqaaqyo laga shakiyay

Bishii Maajo, Jarmalka ayaa bilaabay in uu si dhow ula socdo markabkan HAV Dolphin, kadib markii uu muddo dhowr toddobaad ah taagnaa dekedda Kaliningrad ee Ruushka.

Markii dambe ayuu u dhaqaaqay dhanka waqooyi galbeed ee magaalada Kiel, Jarmalka, halkaasoo uu ku sugnaa muddo 8 maalmood ah, meel u dhow saldhigga ciidamada badda ee Jarmalka. Intaas ka dib, daroono shaki leh ayaa laga arkay aaggaas, taasoo keentay in la qaado tallaabooyin amni.

Booliiska federaalka Jarmalka ayaa markabka baaray, waxaana si rasmi ah markabka u fuulay booliiska gobolka Schleswig-Holstein. Waxaa markaas la ogaadey in dhammaan 7-da shaqaale ee markabka ay ahaayeen Ruush.

Baaritaankii kadib, Jarmalka wuxuu xogta markabka u gudbiyay dowladda Nederland.

Baaritaan kale oo Nederland ka dhacay

Bishii Maajo, markabku wuxuu gaaray Rotterdam, halkaas oo ay baaritaan ku sameeyeen booliiska, kastamka, iyo ciidamada ilaalada xeebaha ee Nederland. Lama helin wax caddeyn ah oo markabku basaasnimo ku lug leeyahay, balse markabku wuxuu galay kormeer dhow oo joogto ah.

Mas’uuliyiinta Nederland ayaa diiday in ay ka hadlaan su’aalaha la xiriira daroonnada, in kastoo ciidamada ilaalada xeebuhu ay sheegeen in ay arkeen daroonno shaki leh agagaarka badda, balse aysan aqoon cidda leh.

Shirkadda HAV Shipping ee laga leeyahay Norway waxay sheegtay in eedeymaha basaasnimo aysan sal lahayn. Waxay sheegeen in markabku uu si sharci ah ugu sugnaa meel u dhow Kiel isagoo sugayay amarro, taasoo laga go’aamiyay xarunta xakamaynta maraakiibta ee Jarmalka.

Waxay kaloo sheegeen in markabku uusan lahayn qalab daroonno ah, isla markaana uu u tagay Kaliningrad si loogu sameeyo dayactir.

Shirkaddu waxay sheegtay in aysan lahayn macaamiil Ruush ah, balse ay isticmaalaan shaqaale Ruush ah sababtoo ah “waayo-aragnimadooda iyo tayadooda shaqo.”

Markabku dayactir ayuu ku marayay warshadda Pregol ee Kaliningrad, taasoo aan si rasmi ah ula xiriirin ciidamada Ruushka. Si kastaba, isla warshaddan ayaa la sheegay inay dayactirtay labo markab oo hore loogu tuhunsanaa howlo basaasnimo, sida laga soo xigtay warbaahinta Pointer.

Gunaanad

Illaa hadda, ma jiro caddeyn adag oo ay hayaan hay’adaha Yurub oo muujinaysa in markabka HAV Dolphin uu si toos ah ugu lug leeyahay basaasnimo ama falal qarsoodi ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *