Booliiska Finland, ayaa baaraya dhacdo sababtay geerida ilmo aan gaarin sannad, kaddib markii uu ka dhago adeegay qofkii joogay xarunta xaaladda degdegga ee gobolka Oulu sannadkii sanadka 2024, in wicitaankaas oo u aqoonsado xaalad u baahan gargaar degdeg ah.
Waalidiinta ilmaha yar oo la xiriiray xarunta xaaladaha degdegga ah, ayaa u sheegay qofkii joogay in ilmahoodu uu miir daboolmay, hasa yeeshee qofka qabtay teleefoonka xarunta ayaa ugu jawaabay xaalad degdeg ah looma aqoonsan karo wicitaankiina, taasina waxay sababtay waqti yar kaddib in uu geeriyoodo ilmihii yaraa.
Booliiska, ayaa baaritaanka dhacdadaan ku guda jira hadda, haddii ay dhab noqotana waxaa ka dhallanaya fadeexad weyn iyo in isbaddel degdeg ah lagu sameeyo xarumaha adeegga degdegga ah guud ahaan dalka Finland.
Sidoo kale Booliiskku waxay sheegeen in ujeedada baaritaanka ay tahay in la kala caddeeyo xaqiiqda wicitaanka la sameeyey iyo in dayaacad ay tahay arrintaan, maadaama Booliiska laga codsaday inay baaraan falkaan.
