Madaxweynaha Finland Alexander Stubb ayaa wareysi uu siiyay barnaamijka Ykkösaamu kaga hadlay xaaladda Ukraine, doorka Finland ee wadaxaajoodka nabadda, iyo mowqifkiisa ku aaddan aqoonsiga Falastiin.
Khaladka Putin
Stubb wuxuu sheegay in Vladimir Putin uu sameeyay khaladkii ugu weynaa ee juqraafi siyaasadeed ee taariikhda dhow isagoo ku duulay Ukraine.
- Putin ma gaarin wax ka mid ah yoolalkiisii istaraatiijiga ahaa.
- Halkii uu doonayay in uu kala jabiyo Yurub iyo NATO, wuxuu ka dhigay kuwo midaysan.
- NATO ayaa ballaaratay iyadoo Finland iyo Sweden ay ku biireen.
- Miisaaniyadda difaaca NATO ayaa kor u kacday ilaa heerar aan hore loo arag.
Ukraine iyo dammaanad-qaadka amniga
Stubb wuxuu sheegay in hadda socdaan wadaxaajood ay Finland iyo Mareykanku ka yeeshaan dammaanad-qaadka amniga Ukraine.
- Dammaanad-qaadyadaas waxay dhaqan geli doonaan keliya marka la gaaro xabbad-joojin ama heshiis nabadeed.
- Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Ukrainada qudhoodu ay leeyihiin masuuliyadda koowaad ee amnigooda, maadaama ay haystaan ciidamo casri ah oo ka badan 800,000 askari.
- Dammaanad-qaadyada lama xiriiraan qodobka 5-aad ee NATO, balse waxay ka koobnaan karaan taageero dhinac ciidan, hawada, badda iyo tababarro.
Aqoonsiga Falastiin
Stubb wuxuu caddeeyay inuu si degdeg ah u saxiixi doono aqoonsiga Falastiin haddii xukuumaddu soo jeediso.
- Wuxuu sheegay in mowqifkiisu yahay “pro-nabad” halkii uu ka ahaan lahaa mid u janjeera dhinac.
- Finland waxay muddo dheer taageertay xal ku dhisan laba dal.
- Wuxuu ku eedeeyay Israel in ay si cad ugu xadgudubtay sharciga caalamiga ah, tusaale ahaan weerarka Gaza.
- Stubb wuxuu rajo ka muujiyay in xukuumaddu ku heshiin doonto arrintan si loo ilaaliyo dastuurka.
Isbarbardhigga Finland iyo Ukraine
Madaxweynaha ayaa xusay taariikhda Finland ee dagaalladii uu Stalin qaaday, isagoo sheegay in Finland ay ilaalisay madaxbannaanideeda balse lumisay suveräänimada iyo 10% dhulkeeda.
- Sidaas darteed wuxuu ku nuuxnuuxsaday in muhiim ay tahay in Ukraine aysan lumin madax-bannaanida, suveräänimada iyo dhulkeeda.
Trump iyo Yurub
Stubb wuxuu sheegay in Donald Trump uu Yurub ka baraarujiyay siyaasadda dibadda, halka Putin uu ka baraarujiyay dhinaca amniga.
- Sida uu sheegay, Trump wuxuu si dadban cadaadis ugu saaray Yurub inay kordhiyaan kharashaadka difaaca.
Doorka Finland
Stubb wuxuu sheegay in Finland maanta leedahay saameyn ka weyn inta cabbirkeedu yahay, iyadoo xog iyo macluumaad badan ay la wadaagto caalamka.
Wuxuu ku booriyay xildhibaannada Finland inay safarro badan ku tagaan si ay xiriir ula sameeyaan siyaasiyiinta Mareykanka.
