Finnair waxay kansashay ilaa 50 duulimaad maalinta Isniinta ee soo socota, sababtuna waa shaqo-joojin uu sameeyay Ururka Shaqaalaha Duulista (Ilmailualan Unioni). Finnair ayaa sheegtay in kansalaadyadan ay saameyn doonaan ku dhowaad 3,600 oo rakaab ah.
Finnair waxay si tartiib tartiib ah ugu wargelin doontaa rakaabka in duulimaadkoodii la kansalay marka ay dhammaan kansalaadyada si rasmi ah ugu qoraan nidaamkooda. Shirkaddu waxay bixin doontaa duulimaad kale oo beddel u ah midka la kansalay. Haddii kale, rakaabku wuu kansali karaa safarkiisa, waxaana uu dalban karaa in lacagtii tikitka dib loogu celiyo.
Sida lagu sheegay qiimeyntii ugu dambeysay, shaqo-joojinta Arbacada dhici doonta (haddii ay dhacdo) waxay sidoo kale saameyn weyn ku yeelan doontaa duulimaadyada. Rakaabka waxaa lagu wargelin doonaa Isniinta haddii duulimaadyada Arbacada la kansalo. Haddii rakaabku doonayo, wuxuu horay u beddeli karaa maalinta safarka isagoo la xiriiraya adeegga macaamiisha Finnair ama meesha uu tigidhka ka iibsaday.
Shaqo-joojintu waxay si gaar ah u saameyneysaa adeegyada garoomada sida:
•Adeegyada dhulka (ground services)
•Adeegga cuntada
Waxaa sidoo kale laga yaabaa in dhibaatooyin ka dhacaan xagga bacda iyo alaabaha la safrayo (matkatavarat) ee garoonka Helsinki-Vantaa.
Finnair waxay kula talinaysaa rakaabka:
Inay sameeyaan “check-in” ama isdiiwaangelinta safarka kahor.
Inay garoonka yimaadaan si xilli hore.
Inay daawada iyo waxyaabaha muhiimka ah ku ridaan boorsada gacanta lagu qaato
Jimcihii ugu dambeysay, Finnair waxay shaqo-joojin darteed uga baaqsatay ilaa 110 duulimaad.
