MAQAAL: Juqraafi-siyaasadeedka Geeska Afrika iyo Doorka Imaaraadka ee hadda sii naf baxaya!

Isbeddellada juqraafi–siyaasadeed ee dunida ka socda, gaar ahaan Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe, waxay galeen marxalad cusub oo ay ku lammaan yihiin tartan quwado waaweyn, faragelin dibadeed, iyo dib-u-habeyn xulafeyn amni. 

Qormadaan waxaan si qoto dheer u eegayaa fashilka istiraatiijiyadeed ee Isutagga Imaaraadka Carabta, saameynta hardanka gobolka Geeska Afrika, iyo fursadaha u furmaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhinacyada amniga, siyaasadda, iyo dhaqaalaha.

ASBAABAHA FASHILKA SIYAASADDA ARRIMAHA DIBADDA EE IMAARAADKA

Faragelin Xad-dhaaf ah iyo Istiraatiijiyad Is-diidan. Imaaraadku wuxuu ku dhaqaaqay faragelin ballaaran oo ka baxsan awooddiisa juqraadi iyo midda khibradeed, isaga oo isku dayay in uu maareeyo Liibiya, Suudaan, Yemen, iyo Geeska Afrika hal mar. Faragelintani waxay ahayd mid indho-la’aan ah, kuna tiirsan maleeshiyaad iyo kooxo gooni-u-goosad ah, halkii ay ka ahaan lahayd diblumaasiyad joogto ah iyo sharciyad caalami ah.

Liibiya: Kooxihii uu taageeray Imaaraadku waxay waayeen sharciyad iyo taageero dadweyne, taas oo horseeday burbur istiraatiiji ah.

Suudaan: Maleeshiyaadkii la hubaynayey ayaa isu beddelay culays amni iyo mid siyaasadeed oo caalami ah, iyadoo la arkay in istiraatiijiyaddaasi ay fashilantay.

Yemen: Mashruucii gooni-u-goosadka ee Koonfurta Yemen wuxuu si toos ah u halis geliyey amniga Qaranka Sacuudiga, taas oo keentay jawaab adag oo Sacuudiga ka bixiyey, isla markaana uu burburiyey kooxihii uu Imaaraadka ku abuuray Yemen.

Doorka Israa’iil iyo Culeyska Siyaasadeed

Waxaa jira aragti xooggan oo tilmaamaysa in Israa’iil ay door daaha-gadaashiis ah ku leedahay hagardaamooyin iyo qorshayaal uu Imaaraadku fulinayey. Arrintan ayaa keentay in Imaaraadku noqdo wakiil fulinaya dano shisheeye, taas oo dhaawacday sumcaddiisa Islaamka iyo tan Carabta.

YEMEN IYO IS-BEDELKA XISAABTA SACUUDIGA

Sacuudiga, oo markii hore dulqaad u muujinayey talaabooyinka Imaaraadka, ayaa indhaha kala qaaday markii amnigiisa Qaranka si toos ah loo taabtay. Burburinta kooxda gooni-u-goosadka Yemen waxay dib u xoojisay dowladda Yemen ee caalamka laga aqoonsan yahay. Iyadoo Caddeysay in Sacuudigu uusan aqbalaynin mashruucyo halis gelinaya xuduudihiisa. Abuurtay farriin cad oo ku socota Imaaraadka: in la joojiyo ku-takrifalka madax bannaanida Yemen iyo kala goynta dalkaas intaba..

SOOMAALIYA IYO HARDANKA GEESKA AFRIKA

Go’doonka Imaaraadka ee Soomaaliya

Warar sirdoon oo isa soo taraya ayaa muujinaya in Imaaraadku bilaabay ka-gurasho agab milateri, gaar ahaan saldhigyo uu ku lahaa Boosaaso (Puntland). Kaddib tallaabo ay dowladda Fdedraalka Soomaaliya ku joojisay heshiisyadii difaac ee Imaaraadka iyo dhammaan diyaaradihiisa milateri in ay isticmaalin hawada Soomaaliya, kaddib waxaa soo baxay:

Golaha wasiirrada Soomaaliya, ayaa buriyey dhammaan heshiisyada, amni, difaac, ganacsi iyo iskaashi ee kala dhexeeyey dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, go’aankaan waxaa lagu saleeyey kaddib markii Jamhuuriyadda Soomaaliya ay heshay caddeymo xooggan oo ku filan, kuwaas oo Imaaraadka si gurracan uga shaqeynayey kala qob-qobka Soomaaliya.

Dakedaha dalka, sida Beebara, Kismaayo iyo Boosaaso maalgashiga ay shirkadda Imaaraadka ee DPWorld ku sameysay ayaa meesha ka baxaya, waxaa si kale loo oran karaa waxaa baaba’aya maamul gobolleedyada u adeegayey danaha Imaaraadka.

Sacuudiga iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya

Xulafeysiga Sacuudiga iyo Soomaaliya waxa uu dharbaaxo kulul la dhacay siyaasadda qalafsan ee ka fog Islaamka iyo Carab ee Isutagga Imaaraadka Carab.

Dhanka kale Wadahadallada diblumaasiyadeed ee u socda Sacuudiga iyo Soomaaliya waxay tilmaamayaan dib-u-eegis qoto dheer. Sacuudiga ayaa la rumeysan yahay inuu ka shallaayey dayacaad hore oo uu Soomaaliya u geystay, isla markaana hadda waxa uu u arkaa Soomaaliya tiir amni oo muhiim u ah Badda Cas iyo marin-biyoodka istiraatiijiga ah Baabul Mandab.

Turkiga, Masar, iyo Difaaca Isku-dheelitirka Gobolka

Turkiga: Joogitaanka milateri, tababarka ciidamada, iyo maalgashiga kaabayaasha ayaa Soomaaliya ka dhigay xarun istiraatiiji ah oo Turkigu ku leeyahay Afrika. Waxa uu ka wadaa dhismaha xarun ballaaran oo loogu talogalay rididda Gadax-gacmeedyada iyo horumarinta qoditaanka Shidaalka laga helay xeebaha Soomaaliya, Turkiga in Soomaaliya uu ku faro adeego waxaa ku qasbaya danahiisa waa weyn ee uusan ka tanasuli karin.

Masar: Ka falcelinta ballaarinta Israa’iil iyo aqoonsiyada muranka dhaliyey awgood, Qaahira waxay dardar gelisay dadaallo siyaasadeed oo ay ku taageerayso midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, hadda waxay tiir u tahay siyaasadda Sacuudiga ee ku wajahan Soomaaliya, iyadoo si dhab ah markaan Soomaaliya loogala shaqeynayo dhismaha ciidammada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhisidda hey’ad sirdoon oo aad u horumarsan.

SHIINAHA IYO FURSADDA   SOOMAALIYA!

Casuumadda Shiinaha ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxay astaan u tahay isbeddel weyn. Waxaa la filayaa:

Wadahadallo ku saabsan heshiis amni iyo difaac oo aan Shiinuhu horey ula gelin dal Afrikaan ah. Maalgashi kaabayaal istiraatiiji ah (dekedaha, tamarta, isgaarsiinta). In Soomaaliya ka faa’iideysato tartanka quwado waaweyn iyadoo ilaalinaysa madaxbannaanideeda.

Tani waa fursad mar-la-arag ah oo haddii si xikmad leh loo maareeyo, beddeli karta miisaanka awoodda gobolka.

MAXAA LAGA FILAN KARAA MUSTAQBALKA GEESKA AFRIKA?

Hoos u dhac ku yimaada faragelinta Imaaraadka. Kordhidda doorka Sacuudiga, Turkiga, Shiinaha, iyo Masar. Xoojinta sharciyadda dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Isku-dubarid amni oo heer gobol ah. Yaraynta maleeshiyaadka gaar ahaan ciribtirka argagixisada. Kordhinta tababarka iyo qalabaynta ciidamada qaranka.

Maalgashi cusub oo ka yimaada Bariga Dhexe iyo Aasiya. Soo kabasho dekedaha iyo marin-biyoodka ganacsiga. Soomaaliya oo isu beddesha xarun isku-xirta Afrika iyo Aasiya.

Fashilka Imaaraadka Carabta ma aha mid keligiis u gaar ah, balse waa natiijo ka dhalatay istiraatiijiyad ku dhisnayd faragelin, wakiillo hubeysan, iyo dano shisheeye. Hardanka Geeska Afrika, haddii si miyir leh loo maareeyo, wuxuu Soomaaliya u noqon karaa fursad ay kaga badbaaddo khataraha Israa’iil iyo faragelinta kale, isla markaana ay ku dhisato mustaqbal amni, siyaasad, iyo dhaqaale oo waara.

W/Q FEYSAL MUSSE

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *