Ukraine iyo Ruushka oo is dhaafsaday 1,000 maxbuus oo dagaal seddex maalmood oo xiriir ah.

Ukraine iyo Ruushka ayaa is dhaafsaday min 1,000 maxbuus oo dagaal Jimcihii, Sabtidii iyo Axaddii – waana is-dhaafsiga ugu weyn tan iyo markii uu dagaalku billowday saddex sano ka hor. Tallaabadan ayaa timid kadib markii Ruushku uu soo jeediyay hindise ku saabsan arrintan kulankii Istanbul ee dhacay 16-kii May.

Si kastaba ha ahaatee, kalsoonidii yarayd ee laga yaabay in ay is-dhaafsigaasi abuurtay ayaa la moodaa in ay meesha ka baxday kadib markii Ruushku uu isla seddexdaas maalmood fuliyay weerarro cirka oo waaweyn oo lagu bartilmaameedsaday shacabka Ukraine. Weeraradan ayaa ahaa kuwa ugu ballaaran ee Ruushku ka geysto dagaalka muddada socday.

Weerarro culus iyo khasaaraha shacabka.

Ruushku wuxuu ganay in ka badan 900 diyaaradood oo is qarxinaya (kamikaze drones) iyo 92 gantaal, kuwaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 16 qof oo rayid ah.

Weeraradan waxay yimaadeen kadib markii Ukraine ay maalmo kahor beegsatay xarumo ciidan oo kuyaalla gudaha Ruushka, gaar ahaan gobollada Tula, Alabuga iyo Tatarstan, iyadoo adeegsatay ugu yaraan 800 diyaaradood oo drones ah.

Jarmalka iyo taageerada hubka ee Ukraine

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka, Johann Wadephul, ayaa Talaadadii sheegay in dalkiisu uu bixin karo gantaallada Taurus oo leh masaafo gaarsiisan 1,000 km (620 mayl) – kuwaasoo Ukraine ay si wayn u dalbatay. Waxa uu intaas ku daray in aysan jirin baahi ah in Ruushka horay loogu sii sheego marka la bixinayo gantaalladan, taasoo sare u qaadaysa awoodda Ukraine ay ku burburin karto warshadaha milatari ee Ruushka.

Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka, Friedrich Merz, ayaa sidoo kale sheegay in uusan wax xaddidaad ah ku soo rogi doonin masaafooyinka gantaallada la siinayo Ukraine.

Arbacadii, markii Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy uu booqday magaalada Berlin, Merz wuxuu shaaciyay in Jarmalku uu ka caawin doono Ukraine horumarinta gantaallo dheer-dhaca ah oo u gaar ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *