Codbixinta hore ee doorashooyinka gobollada iyo degmooyinka gudaha dalka Finland waxay dhammaaneysaa Maanta oo Talaado ah, Goobaha codbixinta hore ayaa ugu dambeyn la xirayaa 8-da fiidnimo.
Dalka dibaddiisa, codbixinta hore waxay ku dhammaatay Sabtidii lasoo dhaafay, Maalinta rasmiga ah ee doorashadu waa Axadda soo socota ee toddobaadkan.
Doorashada gobollada waxaa lagu doortaa xubnaha golayaasha deegaanka ee gobollada (aluevaltuusto), kuwaas oo mas’uul ka ah adeegyada bulshada iyo caafimaadka, iyo adeegyada gurmadka ee ka tirsan aagagga daryeelka bulshada.
Doorashada degmooyinka waxaa lagu doortaa xubnaha golayaasha deegaanka ee degmooyinka, kuwaas oo go’aamiya howlaha iyo dhaqaalaha degmada.
Caasimada Finland ee Helsinki iyo gobolada waxaa ka sharaxan dhalinyaro Soomaaliyeed oo badan kuwaas oo u tartamaya doorashooyinka gobolada iyo degmooyinka wadanka Finland.
Waxaa natiijada codbixinta doorashada ay ku egtahay maalinta axada isla habeenkaasna waxaa lagu dhawaaqi doonaa sida xisbiyada ay ugu kala guuleysteen doorashooyinka gobollada iyo degmooyinka dalka Finland.
