Soomaaliya si ay u hesho garoon caalami ah waxay u baahan tahay hirgelinta tiirar iyo kaabayaal aan laga tegi karin!

Soomaaliya oo u Jihaysan Garoon Diyaaradeed Heer Caalami ah: Mashruuc Istiraatiiji ah oo Bedeli Kara Mustaqbalka Dalka! Horey waxaan u qoray qormo ballaaran oo aan ku iftiimiyey sida Soomaaliya ku dhisan karto garoon, hey’ad duulis rayid ah oo hufan, isla markaana ula tartami karto garoomada waa weyn ee caalamka. Soomaaliya ayaa wajahaysa fursad taariikhi ah…

Read More

Carabta iyo Israa’iil oo is haya, xilli afka lagu ballaarinayo qabsashada dalalka Carabta!

Ururka Iskaashiga Islaamka ee Organisation of Islamic Cooperation (OIC) iyo dalal badan oo Carbeed ayaa si adag u cambaareeyay hadallo uu jeediyay Safiirka Mareykanka u fadhiya Israa’iil, Mike Huckabee, kuwaas oo ku saabsan ballaarinta dhulka Israa’iil ee Bariga Dhexe. Hadalka muranka dhaliyay Huckabee ayaa wareysi uu siiyay weriyaha Mareykanka Tucker Carlson ku sheegay in Israa’iil…

Read More

Trump oo iska indhotiray go’aanka makxmaadda sare canshuur cusubna soo rogay!

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kordhiyay canshuuraha caalamiga ah ee soo dejinta (tariffs) laga qaado badeecadaha dibadda, isaga oo ka dhigay 15%, maalmo kadib markii Supreme Court of the United States ay sharci-darro ku tilmaantay canshuurihii ballaarnaa ee uu hore u soo rogay. Go’aanka Maxkamadda Sare Maxkamaddu waxay cod 6–3 ah ku go’aamisay inaysan dastuurka…

Read More

Finland oo ka walaacsan golaha nabadda Trump!

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Finland, Elina Valtonen, ayaa muujisay walaac ay ka qabto baaxadda iyo jihada uu u socdo golaha nabadda ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Valtonen ayaa arrintan kaga hadashay barnaamijka Ykkösaamu ee ay baahiso Yleisradio (Yle) subaxnimadii Sabtida. Valtonen waxay sheegtay in sida uu u ballaaranayo shaqada golahan ay noqotay arrin…

Read More

Soomaaliya oo baabi’isay dhammaan heshiisyadii kala dhexeeyey Imaaraadka Carabta. akhriso

Golaha wasiirrada Soomaaliya, ayaa buriyey dhammaan heshiisyada, amni, difaac, ganacsi iyo iskaashi ee kala dhexeeyey dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, go’aankaan waxaa lagu saleeyey kaddib markii Jamhuuriyadda Soomaaliya ay heshay caddeymo xooggan oo ku filan, kuwaas oo Imaaraadka si gurracan uga shaqeynayey kala qob-qobka Soomaaliya. Dakedaha dalka, sida Beebara iyo Boosaas maalgashiga ay shirkadda Imaaraadka ee…

Read More

MAQAAL: Juqraafi-siyaasadeedka Geeska Afrika iyo Doorka Imaaraadka ee hadda sii naf baxaya!

Isbeddellada juqraafi–siyaasadeed ee dunida ka socda, gaar ahaan Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe, waxay galeen marxalad cusub oo ay ku lammaan yihiin tartan quwado waaweyn, faragelin dibadeed, iyo dib-u-habeyn xulafeyn amni.  Qormadaan waxaan si qoto dheer u eegayaa fashilka istiraatiijiyadeed ee Isutagga Imaaraadka Carabta, saameynta hardanka gobolka Geeska Afrika, iyo fursadaha u furmaya Jamhuuriyadda Federaalka…

Read More

Ma burburay Xiriirka u Dhaxeeya Stubb iyo Trump?

Bishii Diseembar ee sanadkii hore, jariidada Jarmalka ee Der Spiegel ayaa shaacisay qeybo ka mid ah wada-hadallo telefoon oo u dhexeeyey siyaasiyiinta sare ee Yurub.Wada-hadalladan oo sir ahaa ayaa ku saabsanaa habka nabadda ee Ukraine, waxaana ka qeyb galay madaxweynaha Finland Alexander Stubb, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Kansalarka Jarmalka Friedrich Merz, Xoghayaha Guud ee NATO Mark Rutte, iyo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyi….

Read More

Xukuumadda Trump oo si waali ah u kordhisay miisaaniyadda ICE!

Waxaa la sheegay in xukuumadda Donald Trump ay kordhisay miisaaniyadda ICE (U.S. Immigration and Customs Enforcement) ilaa 75 bilyan oo dollar, isla markaana tirada shaqaalaha ay ka badatay labo jibaar, iyadoo hadda gaartay in ka badan 22,000 oo shaqaale.Dhacdadii Minneapolis, oo ay ku lug yeesheen mudaharaadyo ka dhan ah ICE iyo waaxda Amniga Gudaha, ayaa muujisay xiisadaha sii kordhaya…

Read More

Mareykanka NATO oo taagan ka qaadan doonaa Greenland?

Hadalkii uu Madaxweyne Donald Trump ku sheegay in Maraykanku “wax ka qaban doono Greenland, hadday raalli ka noqdaan iyo hadday ka diidaanba,” wuxuu muujinayaa isbeddel halis ah oo ku yimid hab-dhaqanka siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka. Hadalkan ma aha oo keliya hadal hanjabaad ah, balse wuxuu taabanayaa qodobo muhiim u ah xeerarka caalamiga ah, isbahaysiga…

Read More