Cimilada diirran ayaa kusoo wajahan Finland intii lagu guda jiray Easter-ka, iyadoo Jimcaha Wanaagsan (Good Friday) lagu saadaaliyay in heerkulka uu gaaro ilaa 23 darajo oo Celsius ah koonfurta dalka.
Si kastaba ha ahaatee, saadaasha cimiladu wali way caddayn la’dahay.
“Berito, oo ah Arbacada, waxay noqon kartaa maalinta ugu kulul,” ayuu yiri Anssi Vähämäki oo ka tirsan Machadka Cimilada Finland (Finnish Meteorological Institute). “Koonfur-galbeed Finland waxa ay gaari kartaa 20 darajo. Dabcan, waqooyiga Finland wuu ka qabow yahay, dhammaan dalkuna ma gaari doono heerkulkaas.”
In kasta oo saadaasha Jimcaha Wanaagsan muujinayso in uu qorraxdu jiri doono, haddana waxaa laga yaabaa in ay hawadu qabowdo markay usoo dhowaato dhammaadka usbuuca.
“Xilligan la joogo waxay u muuqataa in Sabtida ay qabowdii gaari doonto bartamaha Finland, halka koonfurna ay weli diirran tahay,” ayuu yiri Vähämäki. “Hawada qabow waxay u muuqataa in ay kusoo fidayso koonfurta Finland Axadda. Laakiin wali Easter-ka waa fog yahay, saadaashana wali way is bedbeddelaysaa.”
Vähämäki waxa uu sheegay in “baratada kulul” ee saadaasha tahay goorta saxda ah ee hawada qabow ay bilaabayso in ay u soo socoto koonfurta. Saadaasha hadda jirta waxay tilmaamaysaa in ay soo gaari doonto koonfurta Axadda.
“Waxay noqon kartaa sidaas, laakiin sidoo kale waxay noqon kartaa in waqtigu is beddelo,” ayuu yiri Vähämäki. “Haddii aan diiwaan gelinno heerkul ka badan 20 darajo bartamaha Abriil, taasi waa tiro sare xilligan sanadka. Waxaan kugula talin lahaa inaad ku qanacdo taas.”
Usbuuca dhammaadkiisa waxa uu imaan doona cimilada diirran, inkastoo aan la filaynin in la gaaro Heerkulka ugu sareeya ee la diiwaan geliyay bishan Abriil wuxuu ahaa 25.5 darajo Celsius, waxaana laga diiwaan geliyay magaalada Jyväskylä sanadkii 1921.
Saadaasha shanta maalmood ee soo socota waxay sheegaysaa roob aad u yar, marka laga reebo waqooyiga halkaasoo uu roobku noqon karo baraf. Qaar ka mid ah waqooyiga dalka waxaa wali yaalla baraf dhererkiisu ka badan yahay hal mitir. Koonfurta iyo bartamaha dalka waxaa laga yaabaa in roobku da’o Khamiista, laakiin waxay noqon doonaan xoogaa yar – dhowr millimitir oo keliya.
