Safiirka cusub ee Finland ee Washington, Leena-Kaisa Mikkola, ayaa sheegtay in wadahadallada ay la yeesheen wakiillada cusub ee maamulka Donald Trump ay si wanaagsan u socdeen.
Inkastoo laga cabsi qabay in isbedelka Trump uu saameyn taban ku yeelan karo xiriirka Mareykanka iyo Finland, Mikkola waxay sheegtay inaysan jirin wax calaamado ah oo muujinaya in xiriirka labada dal uu xumaanayo. Sida ay hadalka u dhigtay, wax digniin ah oo laga dareemayo xiriirka labada dal ma jiraan.
Mikkola ayaa u sheegtay Helsingin Sanomat in Mareykanka uu weli u yahay Finland xulafo lamid ah sidii hore, isla markaana aysan jirin wax isbedel ah oo muuqda. Waxay sidoo kale xustay in muhiim ay tahay in la sii xoojiyo iskaashiga Mareykanka ilaa inta ay dani ku jirto.
Isha warka- Helsingin Sanomat.
