Hoggaamiyaha xisbiga Social Democrats (SDP), Antti Lindtman, ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in xisbigiisu mooshin su’aalo ah (interpellation) ka keeni doono xukuumadda toddobaadka soo socda, iyagoo ka soo horjeeda dhimista miisaaniyadda dowladda. Wuxuu xukuumadda ku eedeeyay inay qarinayso qorsheyaasha la xiriira dhimista kharashaadka adeegyada caafimaadka, bulshada iyo waxbarashada.
Baaqa Lindtman Iyo Wicitaanka Mucaaradka
Lindtman wuxuu ugu baaqay dhammaan xisbiyada mucaaradka inay dowladda Ra’iisul Wasaare Petteri Orpo (NCP)ku cadaadiyaan inay si cad u shaaciso qorshaha lagu dhimayo miisaaniyadda adeegyada caafimaadka iyo bulshada oo ka badan 100 milyan oo Yuuro kahor doorashooyinka deegaanka ee Abriil.
“Waxaan rajaynaynaa in mucaaradka oo dhan uu ka wada qaybgalo mooshinkan. Waxaan isticmaaleynaa awoodda interpellation-ka si aan u muujino kaydadka ay dowladda qarisay, maxaa yeelay shacabka Finnishka waxay xaq u leeyihiin inay ogaadaan jihada waddanka kahor inta aysan codeynta bilaaban,” ayuu yiri Lindtman.
Doorashooyinka hordhaca ah ee gobollada iyo degmooyinka waxay bilaabanayaan 2-da Abriil, oo ah wax ka yar laba toddobaad kahor inta aan la qaban doorashada rasmiga ah.
Wasiirka Maaliyadda Oo Ka Jawaabtay
Wasiirka Maaliyadda Riikka Purra (xisbiga Finns) ayaa Jimcihii u sheegtay warbaahinta Yle in wadahadallada dhimista miisaaniyadda ay marayaan heer gabo-gabo ah, ayna dhamaan karaan toddobaadka soo socda.
Wareysi ay siisay idaacadda, Purra waxay ku tilmaantay eedeymaha mucaaradka ee ah in dowladda ay qarinayso qorshayaasheeda “mid aan macquul ahayn.”
Xisbiyada Kale Ee Mucaaradka Oo Taageeray Mooshinka
Hoggaamiyaha xisbiga Greens, Sofia Virta, ayaa horay u shaacisay inay rajaynayso in dhammaan mucaaradku ay iska kaashadaan la dagaallanka qorshahan la xiriira dhimista adeegyada bulshada iyo caafimaadka.
Xisbiga Centre Party – oo mararka qaar si gaar ah uga dhaqaaqa mucaaradka inteeda kale – ayaa sidoo kale dowladda ku hanjabay inay mooshin ka keeni doonaan arrintan.
“Shacabka Finnishka waxay xaq u leeyihiin inay ogaadaan kahor doorashada halka, goorta, iyo inta lacag ah ee dowladda ka jarayso adeegyada bulshada. Baahida loo qabo in daahfurnaan laga helo howlaha dowladda waa mid aad muhiim u ah, sidaas darteed waxaan aaminsanahay in dhammaan mucaaradka ay isgarabsan karaan,” ayay tiri Virta.
Xaaladda Aqlabiyadda Baarlamaanka
Xukuumadda hadda jirta waxaa taageera afar xisbi oo leh 109 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka 200 xubnood ah.
SDP waa xisbiga ugu weyn mucaaradka oo leh 43 xildhibaan, halka Centre Party ay leedahay 22 xildhibaan, taasoo muujinaysa in haddii mucaaradku mideeyo codadkooda, ay si weyn u cadaadin karaan xukuumadda.
