Madaxweynaha Finland oo sheegay inuu diyaar u yahay aqoonsiga dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah

Madaxweynaha Finland, Alexander Stubb, ayaa shalay shaaciyay inuu diyaar u yahay inuu oggolaado aqoonsiga dowladda Falastiin, haddii xukuumadda Finland ay si rasmi ah usoo jeediso talo-bixin arrintaas ku saabsan.

Stubb ayaa hadalkan ku sheegay farriin uu soo dhigay baraha bulshada, isagoo ka falcelinayay wararka sheegaya in Faransiiska, UK iyo Kanada ay qorsheynayaan inay bisha Sebtembar ee soo socota si rasmi ah u aqoonsadaan dowladda Falastiin. Wuxuu tilmaamay in tallaabadaasi ay taageerayso dadaallada lagu doonayo in dib loogu soo nooleeyo geeddi-socodka nabadda.

Madaxweynuhu wuxuu yiri:

“Haddii aan helo soo-jeedin rasmi ah oo ku saabsan aqoonsiga Falastiin, waxaan diyaar u ahay inaan oggolaado. Aqoonsiga waa go’aan uu madaxweynuhu gaari karo, balse waa inuu yimaadaa kaddib marka golaha wasiiradu soo jeediyaan. Haddii ay sidaas dhacdo, waan oggolaanayaa.”

Sidoo kale, wuxuu muujiyay welwelka uu ka qabo xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta Marinka Gaza, oo uu ku tilmaamay mid aad u murugo badan.

Dhinaciisa, Ra’iisul Wasaaraha Finland, Petteri Orpo, ayaa isna hadal gaar ah oo uu jeediyay ku celiyay in dalkiisu weli u taagan yahay xalka labo dal (Israel & Falastiin). Si kastaba ha ahaatee, ma uusan caddeyn in xukuumaddiisu qorsheyneyso inay si rasmi ah usoo gudbiso soo-jeedin ku saabsan aqoonsiga Falastiin, isagoo xusay in weli wada-tashi la leeyahay madaxweynaha arrintan ka hor inta aan la gaarin kal-fadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay bisha Sebtembar.

Hadalladan ayaa imaanaya iyadoo uu cirka isku sii shareerayo dadaalka caalamiga ah ee lagu doonayo in Falastiin si buuxda loo aqoonsado, taasoo si gaar ah xooggan u noqotay kadib markii 15 dal oo reer Galbeed ah ay dhawaan codsadeen in tallaabadaas la qaado inta lagu guda jiro kal-fadhiga soo socda ee Qaramada Midoobay.

Tallaabadan waxaa sidoo kale dhiirrigeliyay dagaalka ba’an ee Israel ay ku hayso Marinka Gaza tan iyo 22 bilood, taas oo ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen in ka badan 208,000 oo qof, intooda badanna ay yihiin dumarka iyo carruurta.

Bishii May ee lasoo dhaafay, dalalka Spain, Norway iyo Ireland ayaa si rasmi ah u aqoonsaday Falastiin. Waxaa ku raacay Slovenia bishii Juun, taasoo tirada dalalka aqoonsaday Falastiin ka dhigtay 149 dal oo ka mid ah 193-ka dal ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *