Ganacsatada wadanka Finland ayaa kusoo biiraya cunaqabateenta shirkada Tesla oo ah shirkada ugu weyn ee soo saarta gawaarida korontada.
Finland, hogaamiyeyaasha ganacsiga ayaa horey u bilaabay inay ka tagaan oo gabi ahaanba ay ka guuraan isticmaalka gawaarida Tesla, sidoo kale shirkadda tagaasida ee Bolt ayagana waxa ay bilaabeen tixgelinta gawaarida moodeelada kale ee baabuurta korontada.
Bolt waxa ay qorsheynayaan in ay ka caawiyaan darawaliinta tagaasida inay kordhiyaan noocyada baabuurta korantada, halka dhinaca kale shirkada adeegga tagaasida ee Uber ay iyadana bilowday in ay macaamiisheeda u ogolaaneyso iney joojin karaan raacitaanka haddii ay rabaan.
Dalal qaar oo dunida kamid ah ayaa waxaa laga sameeyay dibad-baxyo maxalli ah oo looga mudaaharaadayay doorka Elon Musk ee maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Ku qanacsanaan la’aanta Elon Musk, in uu sii ahaado madaxa shirkadda Tesla, oo ah mid ka mid ah soosaarayaasha baabuurta korontada ee ugu weyn, ayaa si joogto ah loo muujiyay, qaaadacaada Tesla ayaa noqotay arin caalamka ka dhacda, iyadoo ay iska sii iibiyeen ama ay joojiyeen isticmaalka gawaarida Tesla dad caan ah oo isugu jira ganacsato fanaaniin iyo siyaasiyiin.
Mudaaharaadyada ayaa waxa ay ku fideen tagaasida, iyadoo dadka isticmaala adeegyada sida Uber ee dalka Mareykanka loogu baaqay inay ka fogaadaan raacitaanka darawallada kaxeeya Tesla.
Elon Musk wuxuu noqday mid kamid ah dad uu ugu kalsooni badan yahay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxa uuna sidoo kale madax ka yahay hay’ad loo sameeyay si ay Mareykanka uga dhigto mid hufan.
