Finland:  ma taageersana in la hakiyo heshiiska iskaashiga Midowga Yurub iyo Israa’iil

Helsinki, Finland – 23 Luulyo, 2025:- Xoghayaha Joogtada ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga Finland, Pasi Rajala, ayaa xaqiijiyay in Finland aysan taageersanayn hakinta heshiiska iskaashiga Midowga Yurub (EU) la leeyahay Israa’iil, inkastoo cadaadis xooggan uu ka imanayo xaaladda ka taagan Qaza.

Rajala oo metelayay Finland kulankii Golaha Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ee toddobaadkii hore, halkaasoo markii ugu horreysay rasmi ah looga dooday cunaqabatayn suurtagal ah oo ka dhan ah Israa’iil, ayaa uga jawaabay su’aalo ay Yle weydiisay magaca Wasiir Elina Valtonen, oo diiday in ay wareysi bixiso.

Golaha ayaa si gaar ah uga hadlay xiriirka EU iyo Israa’iil xilli ay isa soo tarayaan eedeymaha ka dhanka ah Israa’iil oo ay ku jiraan in ay dileen dad rayid ah oo Qaza ku sugan oo raadinayay gargaar cunto, taas oo keentay cambaareyn ka timid caasimadaha dalalka Yurub.

Wasiir Arrimaha Dibedda Finland, Valtonen oo BBC la hadashay ayaa sheegtay:

“Haddii taasi uusan ahayn dambiga dagaal, anigu garan maayo waxa dambiga dagaal ah.”

Inkastoo hadalkaasi muujinayo cambaareyn xooggan, Finland haddana ma taageersana hakinta heshiiska iskaashiga ee u dhexeeya Midowga Yurub iyo Israa’iil, heshiiskaas oo Israa’iil siinaya faa’iidooyin dhanka ganacsiga iyo cilmi-baarista ah, si ay ugu beddesho ixtiraamka xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah.

Rajala oo qoraal u diray Yle ayaa yiri:

“Dalal badan oo EU ka tirsan waxay taageersan yihiin in wadahadalku sii socdo. Xalka waara ee xaqiijinaya ammaanka iyo xuquuqda labada dhinac – Israa’iil iyo Falastiiniyiinta wuxuu ku yimaadaa siyaasadda iyo diblomaasiyadda, ma ahan go’doomin.”

Heshiiska iskaashi ayaa muhiim istaraatiiji ah u ah Israa’iil, iyadoo Midowga Yurub yahay lamaanaha ganacsi ee ugu weyn. Heshiiskana wuxuu Israa’iil siinayaa suuq bilaash ah iyo ka qaybgalka mashaariicda EU-da.

Rajala wuxuu sheegay in Finland diyaar u tahay in dib loo eego qodobka xuquuqda aadanaha ee heshiiska, balse wuxuu xaqiijiyay in Golaha Midowga Yurub aysan gaarin wax go’aan ah toddobaadkii la soo dhaafay.

Wuxuu intaas ku daray in Finland ay taageersan tahay in cunaqabatayn lagu soo rogo beeraleyda Israa’iiliyiinta ah ee rabshadaha geysta, isla markaana ay furan tahay talo soo jeedintii Sweden ee ah in cunaqabateyntu ay gaarto xataa wasiirrada.

“Finland waxay taageersan tahay in lala beegsado dadka rabshadaha gaysta – xitaa haddii ay yihiin wasiirro – laakiin lama gaarin heshiis midaysan oo EU ah arrintaas la xiriirta,” ayuu yiri.

Go’aannada siyaasadda arrimaha dibadda ee EU-da ayaa u baahan midnimo (unanimity), taas oo illaa hadda ka hor istaagtay in la qaado tallaabooyin adag. Diblomaasiyiin ayaa sheegay in khilaafka gudaha EU-da uu ka tarjumayo dareenno siyaasadeed oo kala duwan oo dal kasta ka jira.

Dowladda Finland qudheeda waa ay kala qeybsan tahay marka la eego siyaasadda ay Israa’iil ka qabto. Xubnaha Xisbiga Isbahaysiga Qaranka iyo Xisbiga Dadka Swedish-ka ah ee Finland waxay muujinayaan taageero in la aqoonsado dowlad Falastiin ah, halka Dimuqraadiyiinta Masiixiyiinta iyo Xisbiga Finns Party ay ka soo horjeedaan arrintaas.

Khaladkaasi gudaha ah wuxuu sababay in farriimaha dowladda ee arrintan la xiriira noqdaan kuwo aad u taxaddar badan. Wasiir Valtonen si cad uma aysan muujin mowqif ay ka taagan tahay heshiiska EU iyo Israa’iil, mana aysan bixin jawaab toos ah markii wakaaladda STT ay su’aashay.

“Finland waxay siyaasaddeeda waafajisaa go’aannada Midowga Yurub,” ayuu yiri.

Heshiiska iskaashi ayaa waxaa si weyn u dhaliilay ururrada xuquuqda aadanaha, kuwaas oo ku andacoonaya in Israa’iil ay jebisay ballanqaadyadii xuquuqda aadanaha ee ku xusnaa heshiiska.

Xildhibaano badan oo EU ah ayaa ugu baaqay in la joojiyo heshiiska, gaar ahaan kaddib duqeymaha Israa’iil ku hayso Qaza iyo xayiraadaha saaran gargaarka bani’aadantinimo.

Wadahadallo u dhexeeya EU iyo Israa’iil ayaa weli socda si gargaarka loo gaarsiiyo Qaza. Rajala wuxuu aqbalay baahida degdegga ah:

“Waa muhiim in gargaarku si dhab ah u gaaro Qaza. Xaaladda bani’aadantinimo waa mid gebi ahaanba aan la aqbali karin.”

EU-da ayaa si joogto ah u dalbaneysay in la helo gargaar aan xayiraad lahayn, iyadoo cambaareysay wax kasta oo hor istaaga caawinta dad rayid ah.

Pasi Rajala, wuxuu xilkan la wareegay gu’gii 2024 kaddib markii uu kasoo shaqeeyay safaaradda Finland ee Washington. Wuxuu la taliyaa Arrimaha Dibedda Finland Valtonen iyo Wasiirka Gaashaandhigga Antti Häkkänen, isagoo door muhiim ah ku leh isku xirka siyaasadda arrimaha dibadda Finland.

Hadalladiisu waxay muujinayaan in Finland ay si taxaddar leh uga qeybqaadanayso doodaha siyaasadeed ee xasaasiga ah ee ka dhex socda Midowga Yurub. Inkasta oo aysan taageersanayn hakinta heshiiska, Finland ma aysan diidin taageerada tallaabooyin gaar ah oo la beegsanayo dad gaar ah oo mas’uul ka ah rabshadaha.

Waqtigan xaadirka ah, Finland waxay isku dayeysaa in ay dhex dhexaad ka ahaato – iyadoo isku dheellitiraysa diblomaasiyadda iyo isla xisaabtanka – si la jaanqaadaysa go’aamada EU-da.

Xigasho Helsinki Times:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *