cudurka hargabka shimbiraha oo faro kulul ku haya Yurub

Dadka xiiseeya daawashada shimbiraha waxay si taxadar leh ula socdaan horumarka guga, balse imaanshaha shimbiraha tahriibka ahi wuxuu xambaarsan yahay khatar, maadaama ay keeni karaan cudurka hargabka shimbiraha(lintuinfluenssa).

Cudurka waxaa hore looga helay ku dhawaad dhammaan waddamada Midowga Yurub, iyadoo laga helay shimbiro duurjoog ah. Dalal badan ayaa sidoo kale ka warbixiyay in cudurka laga helay digaagga la dhaqdo.

Mareykanka cudurku si xun buu uga dillaacay sanadkii hore, taasoo keentay in tobanaan milyan oo shimbiro ah la laayo. Tani waxay sababtay sicirka ukunta oo cirka isku shareeray. Intaa waxaa dheer, cudurku wuxuu ku faafay lo’da, waxaana cudurka qaaday dad gaaraya dhawr iyo toban qof. Bishii Janaayo, qof ayaa u dhintay cudurka hargabka shimbiraha gobolka Louisiana.

Finland gudaheeda, sanadkan waxaa la xaqiijiyay laba kiis oo cudurka hargabka shimbiraha ah – mid laga helay shimbiraha naakaha ee Turku iyo mid laga helay kanahaawka ee Taivassalo. Sanadkii hore, waxaa la diiwaangeliyay hal kiis oo keliya.

Erika Lindh, oo ah khabiir ka tirsan Xarunta Caafimaadka iyo Daryeelka (THL), waxay sheegtay in aysan jirin khatar weyn oo xilligan dadka u taagan:
“Muwaadiniintu uma baahna inay ka walwalaan caafimaadkooda xilligan.”

Si kastaba ha ahaatee, haddii tirada shimbiraha dhimanaya ay aad u bataan, halista uu cudurku ugu gudbi karo xoolaha la dhaqdo wuu sii kordhayaa. Marka cudurku ku faafo xoolaha la dhaqdo, sida digaagga iyo xayawaanka kale ee la dhaqdo (sida ugaarta haragga laga sameeyo), waxay kordhinaysaa halista uu cudurku u gudbi karo bini’aadamka.

Cudurka lama joojin karo marka uu shimbiraha duurjoogta ah dhex maro, balse mas’uuliyiinta caafimaadka iyo beeraleyda xoolaha la dhaqdo waxay dadaal ugu jiraan in cudurku uusan ku faafin xoolaha la dhaqdo, sida digaagga iyo xayawaanka kale ee taranta.

Tiia Tuupanen, oo ka tirsan hay’adda Ruokavirasto, ayaa sheegtay in hargabka shimbiraha uu si ballaaran uga jiro Yurub, lagana helay shimbiro duurjoog ah iyo digaagga xoolaha la dhaqdo.

Ruokavirasto waxay si dhow ula socotaa cudurka hargabka shimbiraha, waxayna beeraleyda la wadaagtaa talooyin ku saabsan sida looga hortagi karo cudurka. Hay’addan ayaa sidoo kale mas’uul ka ah baarista xoolaha la tuhmo inay cudurka qabaan.

Ilaa hadda, Finland lama diiwaan gelin kiis cudurka hargabka shimbiraha bini’aadam ku dhacay, balse caalamka waxaa la xaqiijiyay ku dhawaad kun kiis, waxaana cudurkan u dhintay boqolaal qof qarnigan.

Dadka ka shaqeeya beeraha digaagga iyo xayawaanka la dhaqdo waxaa loo diyaariyay tallaal looga hortagayo hargabka shimbiraha, waxaana THL ay ku boorrisay in tallaalka si degdeg ah loo qaato. THL waxay sidoo kale la socotaa cudurka iyo saamayntiisa dadka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *