Finland
Finland oo ka walaacsan golaha nabadda Trump!
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Finland, Elina Valtonen, ayaa muujisay walaac ay ka qabto baaxadda iyo jihada uu u socdo golaha nabadda ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Valtonen ayaa arrintan kaga hadashay barnaamijka Ykkösaamu ee ay baahiso Yleisradio (Yle) subaxnimadii Sabtida. Valtonen waxay sheegtay in sida uu u ballaaranayo shaqada golahan ay noqotay arrin…
Ma burburay Xiriirka u Dhaxeeya Stubb iyo Trump?
Bishii Diseembar ee sanadkii hore, jariidada Jarmalka ee Der Spiegel ayaa shaacisay qeybo ka mid ah wada-hadallo telefoon oo u dhexeeyey siyaasiyiinta sare ee Yurub.Wada-hadalladan oo sir ahaa ayaa ku saabsanaa habka nabadda ee Ukraine, waxaana ka qeyb galay madaxweynaha Finland Alexander Stubb, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Kansalarka Jarmalka Friedrich Merz, Xoghayaha Guud ee NATO Mark Rutte, iyo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyi….
Finland oo si degdeg u dhiseysa Maraakiibta badaha barafka jiira ee ciidanka badda Mareykanka
Shirkadda Finland ee Rauma Marine Constructions ayaa si rasmi ah ula saxiixatay Ilaalada Xeebaha Mareykanka (US Coast Guard) heshiis ay ku dhisayso laba doon oo baraf-jebiye ah (icebreakers) oo cabbir dhexdhexaad ah, kuwaas oo ka tirsan nooca Arctic Security Cutter (ASC), kuwaas oo la filayo in la dhammaystiro ka hor dhammaadka 2028. Maraakiibtan ayaa laga dhisi doonaa warshadda Rauma ee galbeedka Finland. Heshiiskan…
Finland oo laga hirgelinayo imtixaan muwaadinimo laga bilaabo sannadka 2027
Adeegga Socdaalka Finland (Finnish Immigration Service – Migri) ayaa mas’uul ka noqon doona diyaarinta iyo maamulka imtixaanka. Finland waxay qorsheyneysaa inay soo rogto imtixaan muwaadinimo oo qayb ka noqonaya dib-u-habeyn ballaaran oo lagu sameynayo shuruucda dhalashada, sida ay Isniintii shaacisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Soo jeedintan cusub waxay ka dhigaysaa aqoonta bulshada Finland iyo qiyamka muwaadinnimada shuruud rasmi ah oo…
Qiimaha lagu dalbado baasaboorrada Finland (Passi) ayaa hoos u dhacaya!
Hoos u dhaca qiimuhu wuxuu ka dhashay kororka tirada dadka codsanaya sannadka 2026. Qiimaha baasaboorka ayaa hoos u dhacaya 7–9 euro, halka kaarka aqoonsiga (henkilökortti) uu hoos u dhacayo 6–8 euro, iyadoo ku xiran habka loo dalbado. Arrintan waxaa shaacisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Haddii kaarka aqoonsiga lala dalbado baasaboorka isla mar ahaantaas, qiimihiisu wuxuu noqonayaa 51 euro (marka si qof ahaan loo dalbado). Sida ku cad war-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha…
Finland oo u baahan keydinta €1.4 bilyan, khatarna uga jirto jebinta xeerarka deynta ee Midowga Yurub
Dowladda Finland ayaa laga yaabaa in lagu qasbo inay hirgeliso tallaabooyin keydin cusub oo gaaraya ilaa €1.4 bilyan inta lagu jiro muddada Baarlamaanka hadda jira, kaddib isbeddel ku yimid waqtiga iibsiga qalabka difaaca, taas oo saameyn ku yeelatay xisaabinta khasaaraha miisaaniyadeed (deficit) ee Midowga Yurub. Wasaaradda Maaliyadda ayaa Jimcihii sheegtay in Finland ay halis ugu…
Xukuumadda Finland oo adkeyneysa isku keenidda qoysaska!
DOWLADDA Finland ayaa ka wada xaajoonaysa adkeyn cusub oo lagu sameeyo siyaasadda socdaalka. Guddoomiyaha Perussuomalaiset ahna Wasiirka Maaliyadda, Riikka Purra, ayaa arrintan ku sheegtay khudbad ay ka jeedisay shirka golaha xisbiga. Purra waxay tiri in dib‑u‑habayntii ay sameysay dowladdii Sanna Marin (SDP) ay ahayd “dib‑u‑habayntii ugu waallida badnayd”, gaar ahaan furfurnaanta socdaalka ardayda iyo isu‑keenidda qoysaska. Sida ay sheegtay, dowladdaas…
Trump oo soo saaray Istaratiijiyad amni oo cidlo dhigtay Yurub
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo saaray National Security Strategy (NSS) cusub oo dib u qeexaysa siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka, isla markaana si ba’an u dhaliilaysa xulafadiisa Yurub. Dhanka kale, dukumentigan waxaa si wanaagsan u soo dhaweeyey Ruushka, halka uu ka fogaanayo dhaleeceyn ku wajahan Shiinaha iyo dowladaha kaligii-taliska ah ee kale. Dukumentigan oo ka kooban…
Finland iyo madaxda NATO oo dood ka yeeshay qorshaha nabadda Ukraine.
Madaxwaynaha Finland Alexander Stubb iyo xoghayihii hore ee NATO Jens Stoltenberg ayaa ka hadlay ammaanka Yurub iyo xaaladda Ukraine xaflad ay soo qabanqaabisay Atlantti-seura. Stubb wuxuu sheegay in qorshaha nabadda ee Ukraine uu hadda gaaray 20 qodob, ka dib markii la tixgelinayay qorshayaal kale oo 28 iyo 19 qodob ka koobnaa. Qorshahan cusub wuxuu diiradda…
Taliyaha Ciidanka Badda Ruushka oo digniin u diray Finland
Taliyaha ciidamada badda Ruushka, Aleksandr Moisejev, ayaa sheegay in dalalka NATO ay si weyn u kordhiyeen hawlahooda sirdoon ee Arctic-ga. Moisejev oo u warramay wakaaladda wararka ee dowladda Ruushka Tass ayaa yiri: “Hawlaha sirdoon ee dalalka NATO aad bay u kordheen. Waxaa qorshe ah in Finland lagu rakibo diyaarado aan duuliye lahayn oo Phoenix nooca kormeerka istaraatiijiga ah.”…
