Hey’adda dambiyada baarta ee Finland oo baareysa duulimaad diyaarado Drone looga shakiyey basaasnimo.

Laukaa, Finland – Booliska Dhexe ee Dembiyada (Keskusrikospoliisi – KRP), oo ah hay’adda ugu weyn ee baaritaanka dambiyada qaranka ee Finland, ayaa xaqiijiyay in duulimaadyo drone oo sharci-darro ah oo ka dhacay warshadda qaraxyada ee Vihtavuori lagu baarayo tuhun basaasnimo. Warshadda Nammo ee Vihtavuori waa goob istaraatiiji ah oo leh xannibaad duulimaad (no-fly zone), taasoo ka dhigaysa…

Read More

Weerar Cyber ah oo hakad geliyay bogga Wasaaradda Difaaca Finland

Bogga Wasaaradda Difaaca Finland ayaa toddobaadkan si ku-meelgaar ah uga baxay hawada kadib markii lagu qaaday weerar nooca loo yaqaan Denial-of-Service (DDoS). Weerarka oo billowday Talaadadii ayaa la xaqiijiyay Arbacadii galabnimo, sida ay sheegtay afhayeenka wasaaradda, Riina Kauppila. Waxay u sheegtay warbaahinta Finland in weli aan la garan halka uu weerarku ka yimid, islamarkaana aysan rabin inay…

Read More

Muwaadiniin Ruush ah oo wali Finland u soo guuraya!

Dadka Ruushka ah ayaa wali u soo guuraya Finland, inkastoo xadka bari ee labada dal uu xiran yahay. Dadka Ruushka ah ee u guuraya Finland waxay inta badan raadiyaan fursado shaqo ama waxbarasho. Sida ay sheegtay Waaxda Socdaalka Finland (Maahanmuuttovirasto), ilaa bisha Luulyo 2025, waxaa la siiyay 355 Ruush ah ogolaansho deganaansho oo ku saleysan waxbarashada, halka 300 qof ay…

Read More

Riikka Purra wasiirka Maaliyadda Finland oo dood weyn a dhex kicisay xisbiyada siyaasadda

Qoraal ay wasiirka Maaliyadda Finland  ahna guddoomiyaha Perussuomalaiset, Riikka Purra, ku baahisay baraha bulshada ayaa kiciyay dood siyaasadeed oo xooggan, gaar ahaan arrinta shaqo-soo-gelinta. Xisbiga SDP ayaa si kulul ugu eedeeyay Perussuomalaiset in siyaasaddooda ay sababtay in Finland ka yaraato tirada khubarada caalamiga ah ee soo galeysa. Xogta iyo jaantuska ay soo bandhigtay Purra Sabtidii, Purra ayaa barteeda X (Twitter…

Read More

Wasiirka Ganacsiga Dibedda Finland:  Tavio waa in 100 qof ama ka badan lagu celiyaa Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga Dibadda iyo Horumarinta Finland, Ville Tavio ayaa sheegay in gargaar-horumarineedka Finland Soomaaliya uu dib u bilaaban doono keliya haddii ay horumar muuqda laga sameeyo arrimaha dadka dib loogu celinayo Soomaaliya. Sida ay qortay Yle, Tavio wuxuu si gaar ah u xusay in ugu yaraan 100 qof oo Soomaali ah dib loogu celiyo dalkooda si dhinacyada ay isugu…

Read More

Helsinki oo bandhigtay qorshe lagu xakeymayo khatarta maandooriyaha

Taliyaha Booliska Jari Liukku ayaa shir jaraa’id ku qabtay Helsinki, isagoo ka hadlayay xaaladda sii xumeysa ee maandooriyaha.  Magaalada Helsinki ayaa diyaarin doonta istiraatiijiyad cusub oo ku saabsan isticmaalka maandooriyaha iyo tallaabooyin degdeg ah si loola tacaalo kororka xooggan ee waxyeelada ka dhalata maandooriyaha, sida uu ku dhawaaqay Duqa Helsinki Daniel Sazonov iyo mas’uuliyiinta sare ee booliiska…

Read More

Markab la tuhunsan yahay inuu yahay markab basaasiin Ruush ah oo ku sii jeeda Finland.

Hay’adaha ammaanka ee Yurub ayaa muddooyinkii u dambeeyay danaynayay dhaqdhaqaaqyada markabka xamuulka ah ee HAV Dolphin, oo laga leeyahay dalka Norway. Dowladaha Jarmalka iyo Nederland ayaa ugu yaraan tuhunsanaa in markabkan uu yahay markab sirdoon oo Ruushku leeyahay. HAV Dolphin, oo hadda wata calanka Antigua iyo Barbuda, ayaa ku sugan Badda Baltic isagoo ku sii…

Read More

Ra’iisul wasaaraha Finland: Ukraine damaanadda ay rabto iyadaa soo bandhigi doonta

Ra’iisul Wasaare Petteri Orpo ayaa maanta sheegay wareysi uu siiyay Yle in doorka Finland ee dammaanadaha amniga Ukraine uu qeexmi doono goor dambe. Orpo ayaa xusay in go’aanka ku saabsan kaalinta rasmiga ah la qaadan doono marka la helo qaab cad oo looga wada hadli doono baarlamaanka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in qorsheynta ay ku jirto sidoo…

Read More

Ciidanka Badda Finland oo adeegsaday nidaamka gantaalaha Israa’iil ee Gabriel

Gantaalka Gabriel ee ay Israa’iil soo saarto  ayaa hadda noqonaya mid ka mid ah labada hub ee ugu waaweyn ee Ciidanka Badda Finland. Hubka kale ee ugu weyn waa miinooyinka badda.  Ciidanka Badda Finland ayaa si rasmi ah u hawlgeliyay nidaamka gantaalaha Israa’iil ee Gabriel, kaas oo beddelaya nidaamkii duugga ahaa ee Iswiidhishka, sida uu sheegay wargeyska  Helsingin…

Read More