Koonfur Afrika oo difaacay tababarada Badda ee BRICS

Koonfur Afrika ayaa si adag u difaacday tababarro badeed oo ay la sameysay Ruushka, Iiraan, Shiinaha iyo dalal kale, iyadoo ku tilmaamtay kuwo “lama huraan ah”, maadaama ay muhiim u yihiin badbaadinta hawlaha dhaqaale ee badda. 

Tababarkan, oo la magacaabay “Will for Peace 2026”, ayaa ka bilaabmay xeebaha Cape Town todobaadkan, waxaana lagu qabanayaa badda u dhexeysa Koonfur Afrika. 

Mas’uuliyiinta milateriga ee dalka, gaar ahaan Kabtan Nndwakhulu Thomas Thamaha, ayaa sheegay in tababarku ka badan yahay mid milateri oo keliya, isla markaana uu yahay muujin wadajir ah oo ay BRICS ku muujinayso rabitaankeeda ah in ay wada shaqeeyaan. 

“Waa muujin cad oo ah go’aankeena wadajirka ah,” ayuu yiri Thamaha. 

Waxaa la sheegay in tababarkan uu ka jawaabayo jawi badeed oo sii adkaanaya, isla markaana uu yahay mid muhiim u ah amaanka marinada maraakiibta iyo hawlaha dhaqaale ee bada. 

Tababarkan todobaadka ah wuxuu ku soo beegmay iyadoo xiisadaha caalamiga ah ay kor u kaceen, gaar ahaan ka dib markii Mareykanku uu qabtay markab saliid ah oo calan ruush ku lahaa oo lagu eedeeyay inuu jebiyay cunaqabateyno Galbeed. 

BRICS, oo markii hore ka koobnayd Brazil, Ruushka, Hindiya, Shiinaha iyo Koonfur Afrika, ayaa ballaarisay xubinnimadeeda ilaa ay ku jiraan dalal ay ka mid yihiin Iiraan, Masar, Itoobiya, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraatka Carabta. 

Dadka ka qaybqaatay tababarku waxaa ka mid ah maraakiib dagaal oo ka socota Shiinaha iyo Iiraan, halka Ruushka iyo Imaaraatka Carabta ay direen markabkooda nooca corvette ah, Koonfur Afrikana ay dirtay fragate. 

Dalalka sida Indonesia, Itoobiya iyo Brazil ayaa ka qeybgalay tababarka sidii kormeerayaal, taasoo muujineysa ballaarinta iyo isdhexgalka ay BRICS ku talaabsatay. 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hore uga digay in BRICS ay wado siyaasado ka dhan ah Maraykanka, isagoo xitaa ku hanjabay cashuur korodh ah oo 10% ah xubnaha kooxda, taasoo qayb ka ah xiisadaha sii kordhaya ee siyaasadda caalamiga ah. 

Dhanka kale, mucaaradka gudaha Koonfur Afrika ayaa cambaareeyay tababarka, iyagoo ku eedeeyay dowladda inay la safatay dowlado la ciqaabay caalamka, balse mas’uuliyiinta difaaca ayaa ku adkeysanaya in tababarku yahay mid aan si gaar ah u beegsaneeyn dal gaar ah, balse uu diiradda saarayo ilaalinta badaha iyo wadashaqaynta badeed ee caalamiga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *