Dagaalyahannada hubeysan ee reer badiyaha Suuriya ayaa sheegay in ay ka baxeen magaalada Sweida kadib toddobaad ay dagaallo ka socdeen halkaas.
Dagaalyahanno ka tirsan beelaha Bedouin ayaa Sabtidii lagu arkay deegaanka Mazraa oo ku yaalla duleedka magaalada Sweida ee koonfurta Suuriya. Beelaha Bedouin-ka ee hubeysan waxay sheegeen in ay dib uga laabteen magaalada Sweida oo ay ku badan yihiin dadka ka tirsan beesha Druze, taasoo keentay in degganaan kooban laga dareemo magaalada, iyadoo gargaar bini’aadantinimo uu halkaas ku sii jeedo.
Beelaha Bedouin-ka ayaa sheegay maanta in ay ka baxeen magaalada Sweida kadib markii Sabtidii lagu dhawaaqay xabad joojin uu Mareykanku garwadeen ka ahaa. Dagaalladan oo biloowday Axaddii hore ayaa dhexmaray maleeshiyaad ka tirsan Druze iyo beelaha Sunni Bedouin-ka, kaddib markii ay bilaabmeen afduubyo is-daba joog ah oo ay labada dhinac isku haysteen.
Ciidamada dowladda Suuriya ayaa soo farageliyay xaaladda, iyadoo sheegtay in ay rabaan in ay soo celiso kala dambeynta, balse ugu dambeyntii waxay dhinac u raaceen beelaha Bedouin-ka, taasoo sii hurisay xiisadda.
Khamiistii, ciidamada dowladda ayaa intooda badan isaga baxay gobolka koonfureed ee Sweida, maalin kadib markii Israa’iil ay duqeymo la beegsatay magaalada Dimishiq, iyadoo sheegtay in ay difaaceyso bulshada Druze.
Si kastaba ha ahaatee, saacado kadib, warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in maleeshiyaadka Druze ay bilaabeen weerarro aargoosi ah oo ay ku qaadeen beelaha Bedouin, taasoo sababtay in ciidamada dowladda Sabtidii dib ugu laabtaan gobolka si ay u joojiyaan dagaallada cusub ee dib u qarxay.
Khubarada siyaasadda sida Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Suuriya, Axmed al-Sharaa, ayaa khudbadiisii labaad ee telefishinka tan iyo markii dagaalka bilaabmay ku eedeeyay “kooxo sharci darro ah oo hal dhinac ah iyo beelaha Bedouin ee dhinaca kale ah,” isagoo sheegay in ay sabab u yihiin kacsanaanta sii xumeysay xaaladda, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay si buuxda ugu hoggaansamaan xabbad-joojinta.
Al-Sharaa, oo dareen u muujiyay beelaha Bedouin, ayaa isku dayay in uu qanciyo beesha Druze isaga oo dhaliil u jeediyay maleeshiyaadka, waxaana uu ugu dambeyn beelaha Bedouin-ka ugu baaqay in ay ka baxaan magaalada, isagoo yiri: “ma beddeli karaan kaalintii ay lahayd dowladda ee amniga iyo kala dambeynta dalka.”
Isla markii hadalkiisa la shaaciyay, wasaaradda arrimaha gudaha ee Suuriya ayaa sheegtay in dagaalkii la joojiyay isla markaana beelaha Bedouin laga saaray Sweida, inkastoo ay weli dhacayeen iska horimaadyo kooban fiidnimadii Sabtida.
Hay’adda Syrian Observatory for Human Rights ayaa sheegtay in ugu yaraan 940 qof la dilay tan iyo markii dagaalladu billowdeen Axaddii. Qaramada Midoobay ayaa dhankeeda qiyaastay in ku dhowaad 80,000 qof ay ku barakaceen colaaddaas awgeed.
Ka bixitaanka Bedouin-ka ayaa keenay xasilooni taxaddar leh, iyadoo la sheegay in gurmad bini’aadantinimo uu halkaas ku sii jeedo. Ururka Bisha Cas ee Suuriya ayaa sheegay Axaddii in ay u dirayaan magaalada Sweida 32 gaari oo siday cunto, daawo, biyo, shidaal iyo kaalmo kale, kadib markii dagaalladu sababeen koronto la’aan iyo baahiyo kale. Warbaahinta dowladda ee SANA ayaa sidoo kale sheegtay in wasaaradda caafimaadka ay dirayso gawaari xamuul ah oo gargaar ah.
