Ruushka ayaa qaaday 823 weerar habeenimo oo ka dhan ah guud ahaan Ukraine, kuwaas oo 54 diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones) iyo sagaal gantaal ah ay ku dhaceen bartilmaameedyo, halka magaalada Kyivna uu dab ka kacay dhismaha ugu weyn ee dowladda, ugu yaraan labo qofna ay ku dhinteen.
Ugu yaraan labo qof, oo uu ku jiray ilmo yar, ayaa lagu dilay weerar habeenkii ka dhacay caasimadda Ukraine, Kyiv, iyadoo dab ka kacay dhisme dowladeed, sida uu sheegay duqa magaalada, Vitali Klitschko.
Ciidanka Ukraine ayaa sheegay in 751 ka mid ah weerarrada la soo riday, balse sagaal gantaal iyo 54 diyaaradood oo drone ah ay gaareen bartilmaameedkoodii.
Dhismaha uu dabku qabsaday waa xarunta Golaha Wasiirrada oo ay ku jiraan xafiisyada wasiirrada, waxaana goobta xiray booliska iyadoo dab-damiska iyo ambalaasyaduna ay halkaas yimaadeen. Ruushku weligiis kama uusan beegsan dhisme dowladeed oo ku yaal bartamaha magaalada.
Weerar toos ah oo lagu qaado dhisme dowladeed wuxuu noqon lahaa kor u kac cusub oo dagaalka Ruushku kula jiro Ukraine, hase yeeshee Klitschko ayaa sheegay in dabku uu u badnaa inuu ka dhashay burburka drone la soo riday.
Ra’iisul Wasaaraha Ukraine, Yulia Svyrydenko, ayaa tiri: “Markii ugu horraysay dhisme dowladeed ayaa dhaawacmay weerar cadaw, oo ay ku jiraan saqafka iyo dabaqyada sare.” Waxay intaas ku dartay: “Dhismaha waan soo celin doonaa, balse nafaha la waayay lama soo celin karo.”
Waxay ku baaqday in caalamku ka jawaabo burburkan: “Adduunku waa inuu ku jawaabo ficil, ma aha hadal. Waxaa jira baahi lagu xoojiyo cadaadiska cunaqabataynta — gaar ahaan shidaalka iyo gaaska Ruushka.”
Qofkii labaad ee ku dhintay weerarka wuxuu ahaa haweeney dhalinyaro ah, labada qofna waxaa lagu dilay degmada Sviatoshynskyi ee Kyiv. Adeegyada gurmadka ayaa sheegay inay baadi-goobayaan meyd saddexaad.
Sidoo kale, 17 qof ayaa dhaawacmay guud ahaan caasimadda, toddoba ka mid ahna isbitaalka ayaa la dhigay.
Degmooyinka Darnytskyi iyo Sviatoshynskyi ayaa waxaa ka kacay dabab kale, iyadoo dhismayaal guryo ah la sheegay in ay waxyeello soo gaartay, halka degmada dambe ay baabuur iyo kaydyo ku gubteen agagaarka saldhig adeeg baabuur.
Weerarka Axadda ayaa noqonaya kii labaad ee ugu weyn ee Kyiv ka dhaca labadii todobaad ee u dambeeyay, isagoo ku xiga weerarradii Sabtidii.
Ruushku waxa kale oo uu bartilmaameedsaday magaalooyinka ku dhow khadka hore ee dagaalka, oo ay ku jiraan Dniproiyo Kryvyi Rih, isagoo adeegsanaya gantaallo iyo drones. Weeraradaas waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan afar qof, waxaana burbur soo gaaray kaabayaasha, dhisme maamulka, ganacsiyo, guryo gaar ah, dhismayaal dhaadheer, garaashyo iyo gaadiid, sida uu sheegay adeegga gurmadka ee dowladda Ukraine.
Ra’iisul Wasaaraha Ukraine ayaa sidoo kale qoraal Facebook ku sheegay in magaalooyinka Kremenchuk iyo Odesa la beegsaday habeenkii weerarrada.
Weerarkan wuxuu ku soo beegmay iyadoo hogaamiyeyaasha Yurub ay ku cadaadinayaan Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, in uu qaado tallaabo lagu soo afjarayo dagaalka, kadib markii 26 ka mid ah saaxiibada Ukraine ay ku heshiiyeen inay ciidamo u diraan sidii “ciidamo dammaanad qaad” marka dagaalka la soo afjaro.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo Putin si uu uga wada xaajoodo heshiis nabadeed, wuxuuna ku baaqay in Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu saaro cunaqabatayno adag Ruushka si loo cadaadiyo in dagaalka la soo afjaro.
