Helsinki Finland –– Waxaa isa soo taraya dareen naceyb ah iyo niyad-jab ka dhex aloosan taageerayaasha adag ee madaxweyne Donald Trump, kadib sida xukuumaddiisu u maareysay arrinta Jeffrey Epstein. Qaar badan oo ka mid ah hormuudka dhaqdhaqaaqa “Make America Great Again” MAGA ayaa sheegaya in Trump uu ka sii fogaanayo xudunta taageerayaashiisa, iyadoo la dareemayo khiyaano.
Maxaa dhacay?
Taageerayaal badan ayaa si lama filaan ah uga naxay natiijada ay soo saartay Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka, taasoo lagu sheegay in Jeffrey Epstein uu is dilay sanadkii 2019, isla markaana uusan jirin “liiska siyaasiyiin ama ganacsato u hanjabtay”.
Madaxweyne Trump, oo la weydiiyay arrinta Epstein intii lagu guda jiray kulan golihiisa wasiirada Talaadadii, wuxuu si caro leh u yiri:
“Wali ma waxaad ka hadlaysaa Epstein? Ma rumeysan karo inaad waqtigan su’aal taas la xiriirta weydiineyso. Waa waqti la dayacay, waa xushmad-darro.”
Cadaymo kale oo cusub
Dooddu waxay cirka isku shareertay kadib markii FBI-da iyo Wasaaradda Caddaaladdu ay soo saareen warbixin rasmi ah oo ay ku sheegeen in aysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in Epstein la dilay ama uu hayay “liis qarsoodi ah” oo ay ku jiraan magacyada dad awood leh oo galaya dambiyo galmo oo ka dhan ah gabdho da’yar.
Madaxda MAGA oo dhaleeceynaya
Magacyada waaweyn ee la xiriira dhaqdhaqaaqa MAGA – sida Tucker Carlson, Elon Musk iyo Steve Bannon – ayaa ku eedeeyay maamulka Trump inuu qarinayo xog muhiim ah. Qaar kale ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay Xeer Ilaaliyaha Guud Pam Bondi, oo ballanqaaday inay si buuxda u shaacin doonto xogta Epstein.
“Haddii aad horay u tiri xog baa jirta, hadda ha oran waxba ma jiraan. Taasi waa dhibka,” ayuu yiri Jack Posobiec oo ka hadlayay barnaamijka Steve Bannon ee War Room.
Xiriirka la tuhunsan yahay ee Epstein iyo sirdoonka Israel
Xiisadda ayaa sii kacday iyadoo qaar ka mid ah taageerayaasha “Make America Great Again”ay dib u soo nooleeyeen eedeymo hore oo la xiriira in Epstein uu xiriir la lahaa sirdoonka Israel, inkastoo aysan jirin caddeymo rasmi ah.
Markii arrintan la weydiiyay Xeer Ilaaliyaha Guud Bondi, waxay ku jawaabtay:
“Ma hayno wax xog ah oo muujinaya inuu ahaa wakiil sirdoon. Laakiin waan soo xaqiijin doonaa.”
Taageerayaal niyad-jabsan
Qaar badan oo ka mid ah taageerayaasha Trump ayaa sheegaya in laga been sheegay, laguna khiyaamay rajadoodii ahayd in lagu soo bandhigo liisaska macaamiisha Epstein iyo xiriirkiisa dadka awoodda badan leh.
“Trump wuxuu si qaldan u fahmay taageerayaashiisa. Arrintani waxay lumin kartaa kalsoonida xisbiga ee doorashada dhexe,” ayay tiri Liz Wheeler, oo ah mid ka mid ah hormuudka MAGA.
Qof xog ogaal ah oo la hadlay warbaahinta Axios ayaa yiri:
“Arrinta Epstein waxay dhalisay shaki weyn oo ah in dadka la khiyaanay. Dadka la filayay in ay daaha ka qaadaan arrimahaas ayaa hadda iska dhigaya in waxba aysan jirin. Taasi si sahlan uma dhamaan doonto.”
Falanqeyn dheeraad ah
Inkastoo ay jirto caro baahsan, haddana ma jirto calaamad muujinaysa in taageerayaal badan oo MAGA ah ay dhab ahaantii ka tagaya Trump. Taageerada shakhsi ahaaneed ee uu Trump ku leeyahay dhaqdhaqaaqa MAGA weli waa mid xooggan.
Afhayeenka Aqalka Cad Karoline Leavitt ayaa ku adkeysatay in:
“Madaxweyne Trump uu ku faraxsan yahay shaqada Xeer Ilaaliye Bondi, gaar ahaan dadaalka ay ku bixinayso sugidda nabadda, soo celinta sumcadda waaxda caddaaladda, iyo u hiilinta dhibanayaasha dambiyada.”
Waxay sidoo kale sheegtay in eedeymaha ku wajahan Bondi iyo xubnaha kale ee golaha wasiirada Trump ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.
Arrinta Epstein waxay noqotay mid si toos ah u dhaawacaysa xiriirka u dhexeeya Trump iyo taageerayaashiisa ugu daacadsan. Haddii maamulka Trump uusan si cad u shaacin xogaha ay dadku sugayaan, waxa laga yaabaa in tan ay noqoto dhaawac siyaasadeed oo aan sahlaneyn in la xakameeyo – inkasta oo weli uusan jirin isbeddel muuqda oo taageerada MAGA ku dhacaya.
