Go’aanka Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu ku aqoonsaday Falastiin inay tahay dowlad madax bannaan waxaa loo fasirtay mid geesinimo ah ama halis ku ah danaha diblomaasiyadeed ee Faransiiska, balse si kastaba ha ahaatee, tallaabadaasi waxay yeelan kartaa saameyn dhow ama fog mustaqbalka.
Macron ayaa ku dhawaaqay inuu si rasmi ah uga dhigi doono aqoonsigan mid sharci ah marka la gaaro shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay bisha Sebtembar, sida uu ku sheegay warqad uu u diray Madaxweynaha Maamulka Falastiin Mahmoud Abbas, taasoo uu sidoo kale soo dhigay barta X.
“Faransiisku wuxuu garab taagan yahay hirgelinta xal laba dowladood ah, halkaas oo Israa’iil iyo Falastiin ay si nabad ah iyo amni ku dheehan yahay ugu wada noolaan karaan,” ayuu qoray Macron.
“Xal kaas ah ayaa ah dariiqa keliya ee lagu gaari karo yididiilada dhabta ah ee shacabka Israa’iil iyo Falastiinba.”
Maxay tahay micnaha aqoonsigan?
Faransiiska ayaa noqday waddanka ugu awoodda badan ee Yurub ku yaalla ee si rasmi ah u aqoonsanaya dowlad Falastiini ah, isagoo ka mid noqonaya 147 dal oo horey u sameeyay tallaabadan.
Sidoo kale, wuxuu raaci doonaa 11 waddan oo Yurub ah sida Isbaanish, Ireland, Sweden, Romania, Hungary, iyo Bulgaria kuwaasoo horey u aqoonsaday Falastiin.
Aqoonsigu wuxuu macnihiisu yahay in Faransiisku aqbalayo madax-bannaanida Falastiin, sida xuduudaha ka horreeya 1967—oo ay ku jiraan Daanta Galbeed, Gaza, iyo Bariga Qudus—iyo in xiriir diblomaasiyadeed buuxa lala yeesho dowlad Falastiini ah.
Maxay muhiim u tahay?
Faransiisku wuxuu leeyahay tirada ugu badan ee Muslimiinta iyo Yuhuudda ee ku nool Galbeedka Yurub. Sidoo kale waa mid ka mid ah aasaasayaashii Midowga Yurub, codkiisuna aad buu culeys ugu leeyahay gobolka iyo caalamkaba.
Aqoonsiga Faransiiska ayaa cadaadis dheeraad ah saaraya Israa’iil, xilli ereyga “xasuuq” uu si isa soo taraya uga dhex muuqanayo qoraallada taariikhyahannada iyo khubarada sharci ee arrimaha Gaza.
In ka badan 100 hay’adood, oo ay ku jiraan Médecins Sans Frontières (MSF), Amnesty International iyo Oxfam, ayaa toddobaadkan sheegay in macluul baahsan ay ka jirto Gaza.
Laakiin xaaladda bani’aadantinimo lama filayo inay si dhaqso ah u dhammaato. Wadahadalladii xabbad-joojinta ee ay Mareykanku ku martigelinayeen magaalada Doha ayaa burburay, kadib markii Mareykanku ka baxay, isagoo ku eedeeyay Xamaas inaysan si daacadnimo leh uga qayb qaadanayn.
Sida uu sheegay Martin Konecny, agaasimaha mashruuca “European Middle East Project” ee Brussels,
“Aqoonsiga Faransiiska wuxuu Israa’iil u dirayaa fariin ah in ay ku bixinayso qiimo siyaasadeed xulafadeeda hortooda, ficilladeeda Gaza darteed. Wuxuu sidoo kale ka hor imaanayaa dadaallada Israa’iil ay ku burburinayso fursadda dowlad Falastiini ah.”
Inkasta oo aqoonsigu aanu wax saameyn sharci ah yeelan doonin dhinaca ganacsiga ama heshiisyada kale, Konecny wuxuu sheegay in arrintaasi laga yaabo in loo adeegsado maxkamadaha mustaqbalka—sida Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ama maxkamadaha qaran ee qaarada Yurub.
Macron iyo cadaadiska uu saarayo xulafadiisa Yurub
Dadka arrimaha dibadda falanqeeya waxay aaminsan yihiin in Macron uu rajo ka leeyahay inuu ku cadaadiyo UK, Jarmalka iyo Talyaaniga, si ay mowqif cad uga qaataan xal laba dowladood ah oo muddo dheer hakad ku jiray.
Xalkaas waxaa lagu heshiiyay heshiiskii Oslo ee 1993-dii, oo Israa’iil iyo Falastiin ku oggolaadeen in xal kama dambeys ah laga gaaro iyaga oo nabad ku wada nool.
Hase yeeshee, sannadihii u dambeeyay Israa’iil ma taageersana xal laba dowladood ah, iyadoo deegaamaynta Daanta Galbeed ay si aad ah u korortay, taasoo ka dhigeysa dhisidda dowlad Falastiin mid aan suurogal aheyn.
Waxaa intaas sii dheer go’aankii Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ee 2017-kii uu ku aqoonsaday Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil, isagoo safaaradda Mareykanka u wareejiyay halkaas.
Xalka laba dowladood ah ee uu Macron ku doodayo wuxuu u muuqdaa mid astaamo badan leh balse aan suuragal ahayn sida xaaladdu hadda tahay.
Jimcihii, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka Macron, isagoo ku tilmaamay “mid khatar ah” oo “kaliya adeegaya dacaayadda Xamaas oo dib u dhigaya geeddi-socodkii nabadda.”
Dooda Talyaaniga iyo cadaadiska sii kordhaya ee UK
Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Antonio Tajani ayaa sheegay in dalkiisu u arko in xal laba dowladood ah uu yahay mid sax ah, balse aqoonsiga Falastiin uu dhici karo keliya haddii Falastiiniyiintu sidoo kale si rasmi ah u aqoonsadaan Israa’iil.
“Nabadda ayaa dan ah, ee ma ahan in hal dhinac uu ka guuleysto kan kale,” ayuu yiri Tajani.
UK gudaheeda, cadaadiska la saaray Ra’iisul Wasaare Keir Starmer ayaa sii kordhaya, iyadoo la qorsheeyay in uu Jimcihii la hadlo Macron iyo Kanzlar-ka Jarmalka Friedrich Merz si ay uga wada hadlaan arrinta.
Maxaa xiga?
Inkasta oo Macron uu sameeyay tallaabo siyaasadeed oo muuqata, haddana falanqeeyayaal badan waxay aaminsan yihiin in tani ay tahay tallaabo diblomaasiyadeed oo calaamad ah, taasoo kor u qaadaysa sumcadda Macron, balse aan wax isbeddel ah ku keenayn xaaladda dhabta ah ee dhulka Falastiin.
Macron, oo hadda wajahaya xilkiisii ugu dambeeyay, wuxuu xoogga saaray arrimaha dibadda halka Ra’iisul Wasaarahiisa uu wajahayo miisaaniyad qalafsan iyo dib-u-habeyn dhaqaale oo muran badan dhalisay.
“Tani waa mid muhiim u ah siyaasadda dibadda Faransiiska, balse wax macno ah uma laha shacabka Falastiin,” sida uu yiri Maria Luisa Frantappié oo madax ka ah barnaamijka Mediterranean, Bariga Dhexe & Afrika ee machadka Italian-ka ah Istituto Affari Internazionali.
“Halka khatarta ugu weyn ay tahay in tamarta diblomaasiyadeed la iskaga khasaaro arrin aan wax ka beddeleen waxa dhabta ah ee ka dhacaya Gaza,” ayuu yiri Konecny.
Labada khabiib waxay ku talinayaan in tallaabada dhabta ah ay noqon lahayd in Midowga Yurub dib u eego xiriirka ganacsi ee kala dhexeeya Israa’iil, iyada oo la marsiinayo heshiiska iskaashi ee EU-Israel.
Laakiin Midowga Yurub si aad ah ayuu u kala qeybsan yahay. Bishii hore, wasiirrada arrimaha dibadda ee EU-da ayaa dib u dhigay ansixinta liis ka kooban 10 tallaabo oo la xiriira jawaab-celinta xasuuqa Gaza.
Ugu dambeyn, isbeddel dhab ah wuxuu u baahan yahay in uu ka yimaado Jarmalka, waddan xiriir taariikhi ah oo xasaasi ah la leh Israa’iil, taasoo salka ku haysa mas’uuliyadda Holocaust.
Si kastaba, Jarmalka ilaa hadda ma qorsheynayo inuu raaco Macron. Afhayeenka xukuumadda Stefan Kornelius ayaa Jimcihii sheegay in Jarmalku weli u arko in aqoonsiga Falastiin uu yahay “mid ka mid ah tallaabooyinka ugu dambeeya” ee lagu gaaro xal laba dowladood ah.
Wuxuu intaas ku daray in xukuumadda Jarmalka “u diyaar tahay inay kordhiso cadaadiska” haddii aan wax horumar ah laga gaarin xallinta khilaafka.
