Faransiiska, Jarmalka iyo UK oo Israa’iil ku cadaadinaya in la joojiyo musiibada bini’aadantinimo ee Gaza

Hoggaamiyeyaasha Faransiiska, Jarmalka iyo Boqortooyada Midowday (UK) ayaa Jimcihii si wadajir ah ugu baaqay Israa’iil inay oggolaato gargaar bani’aadantinimo oo aan xadidneyn inuu gaaro Qaza, si loo joojiyo “musiibo bini’aadantinimo,” kaddib marki Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron si lama filaan ah ugu dhawaaqay in dalkiisu si rasmi ah u aqoonsanayo dowlad Falastiini ah.

Bayaanka wadajirka ah oo la soo saaray kaddib wicitaan ay yeesheen Macron, Ra’iisul Wasaaraha UK Keir Starmer, iyo Kanzlar-ka Jarmalka Friedrich Merz ayaa ku baaqay xabbad joojin degdeg ah, iyagoo sheegay in “in la hor istaago gargaar muhiim ah oo loo baahan yahay si loo badbaadiyo nolosha shacabka ay tahay mid aan la aqbali karin.” Si kastaba, bayaanku ma keenin wax cusboonaan ah oo dhinaca diblomaasiyadda ah.

Hoggaamiyeyaashu waxay sheegeen in ay “u diyaar yihiin in ay qaadaan tallaabooyin dheeraad ah si loo taageero xabbad joojin degdeg ah iyo hanaan siyaasadeed oo horseeda nabad iyo amni waara oo u dhexeeya Falastiiniyiinta, Israa’iiliyiinta, iyo guud ahaan gobolka.” Hase yeeshee, ma sheegin waxa tallaabooyinkaasi noqon karaan.

Khilaafka Yurubta u dhexeeya

Bayaanadaan waxa ay daba socdaan warka lama filaanka ah ee Macron ku sheegay Khamiistii in Faransiisku noqonayo dalka G7 ugu horreeya ee aqoonsada dowlad Falastiini ah. Tallaabadan ayaa muujisay kala duwanaanshaha u dhexeeya dalalka loo yaqaan E3 (Faransiiska, Jarmalka, UK) ee ku saabsan sida loo xallin karo dhibaatada Qaza iyo dagaalka Israa’iil iyo Xamaas.

Inkasta oo saddexduba ay taageersan yihiin in la dhiso dowlad Falastiini ah, Jarmalka ayaa sheegay inuusan hadda qorsheyneynin inuu raaco Faransiiska, iyadoo Macron qorsheynayo inuu aqoonsiga rasmiga ah ku shaaciyo golaha guud ee Qaramada Midoobay bisha Sebtembar.

UK-na weli ma raacin Faransiiska, balse Keir Starmer ayaa wajahaya cadaadis ballaaran oo kaga imaanaya xildhibaanada mucaaradka iyo kuwa xisbigiisa Labour si uu u aqoonsado dowlad Falastiini ah.

Xoghayaha Caafimaadka ee UK, Wes Streeting, ayaa Talaadadii sheegay in “go’aankaasi la qaato intaanay meesha ka bixin fursadda lagu aqoonsan karo dowlad Falastiini ah.”

Jimcihii, 221 ka mid ah 650 xildhibaan ee Baarlamaanka UK ayaa saxiixay warqad ay ku dalbanayaan in Starmer si rasmi ah u aqoonsado Falastiin.

“Tan iyo 1980-kii waxaan taageersanayn xalka laba dowladood ah. Aqoonsigani wuxuu dhab ka dhigayaa mowqifkaas,” ayay qoreen xildhibaanada.

Starmer ayaa Jimcihii cambaareeyay “in dadka Falastiiniyiinta la gaajeynayo, loo diidayo gargaar bani’aadantinimo, iyo xadgudubyada ka imanaya kooxaha xagjirka ah ee deegaameysanaya dhulkooda, iyo sidoo kale weerarada xad-dhaafka ah ee Israa’iil ka waddo Gaza.”

Wuxuu yiri: “Aqoonsiga dowlad Falastiini ah waa inuu noqdaa mid ka mid ah tallaabooyinka lagu gaari karo nabad. Waxaan arrintaasi u arkaa mid aan shaki ku jirin. Laakiin waa in ay qayb ka tahay qorshe ballaaran oo lagu gaari karo xal laba dowladood ah iyo amni waara oo labada dhinac ah.”

Faransiiska oo go’aan taariikhi ah qaatay

In ka badan 140 waddan oo dunida ah ayaa aqoonsaday dowlad Falastiini ah, ay ku jiraan in ka badan toban dal oo Yurub ah. Laakiin Faransiiska ayaa noqday waddankii ugu horreeyay ee ka tirsan dalalka horumaray ee G7 ah ee qaata tallaabadaas.

Israel iyo Mareykanka ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka Faransiiska.

Inkasta oo UK ay muddo dheer taageersanayd xal laba dowladood ah, haddana waxay sheegtay in aqoonsigu uu iman karo oo kaliya marka uu dhaco heshiis wada-xaajood lagu gaaro.

Waqti xaadirkan, lama filayo in wax wadahadal ah dib u bilaabmaan, maadaama aysan jirin wax wadahadal ah oo macno leh oo u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin tan iyo weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023 oo huriyay dagaalka socda.

Xaaladda bini’aadantinimo oo sii xumaaneysa

Musiibada bini’aadantinimo ee Qaza, halkaas oo gaajo si xawli ah u baahday ayna caruur u dhinteen gaajo, ayaa walaac ku abuurtay xulafada ugu dhow Israa’iil.

Jarmalka, oo xiriir dhow la leh Israa’iil sababo la xiriira taariikhda Holocaust, ayaa sheegay in aqoonsiga dowlad Falastiini ah uu noqon karo tallaabo lagu soo afjarayo wadahadalka, balse aysan hadda qorsheynin inay tallaabadaas qaadaan.

Si kastaba, Jarmalku wuxuu dhawaan si cad u dhaleeceeyay howlgallada militari ee Israa’iil, isagoo ku baaqaya in la kordhiyo gargaarka bani’aadantinimo, inkasta oo ay weli doorbidayaan inay Israa’iil ku cadaadiyaan wadahadal toos ah.

Dowladda Jarmalka waxay sheegtay Jimcihii in ay xiriir joogto ah la leedahay Israa’iil iyo xulafada kale, iyadoo diiradda la saarayo xabbad joojin iyo kordhinta gargaarka.

Waxay intaas ku dartay in ay “u diyaar tahay in ay kordhiso cadaadiska haddii aysan horumar jirin,” balse si faahfaahsan uma caddayn waxay tallaabadaasi noqon doonto.

UK ayaa hakisay qaar ka mid ah iibka hubka ee ay la lahayd Israa’iil, waxay joojisay wadahadalladii ganacsi ee bilaashka ahaa, waxayna cunaqabateyn ku soo rogtay qaar ka mid ah wasiirrada xukuumadda Israa’iil ee xagjirka ah. Si kastaba, Starmer ayaa cadaadis xooggan kala kulmaya dadweynaha iyo siyaasiyiinta UK oo dalbanaya in uu tallaabooyin intaas ka sii xooggan qaado.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *