Boqortooyada Midowday ayaa maanta ku dhawaaqday in da’da codbixinta laga dhigi doono 16 sano ee gobollada England iyo Waqooyiga Ireland marka la gaaro doorashada guud ee soo socota, taas oo qeyb ka ah isbeddel weyn oo lagu sameynayo nidaamka doorashada.
Haddii isbeddelladan la ansixiyo, waxay ka dhigayaan in da’da codbixintu noqoto 16 sano guud ahaan Boqortooyada Midowday, iyada oo horey ay arrintan uga dhaqangashay Scotland iyo Wales, halkaas oo dhalinyarada 16 jirka ahi horeyba u codeyn jireen.
Dawladda ayaa sheegtay in isbeddelladani ay ujeedadoodu tahay in nidaamka doorashadu uu noqdo mid caddaalad ah, maadaama ay jiraan dhalinyaro 16 iyo 17 jir ah oo durba shaqooyin joogto ah haya ama u qalma inay ka mid noqdaan ciidanka milateriga.
“Waa tallaabo aan ku burburineyno caqabadaha hortaagan ka qeybgalka, si dad badan ay fursad ugu helaan inay ka qeybqaataan dimuqraadiyadda Boqortooyada Midowday,” ayey tiri Raysal Wasaare ku xigeenka Angela Rayner.
Tirakoobkii doorashadii guud ee sanadkii hore ayaa muujinaya in ka qeybgalka uu ahaa 59.7%, taasoo ah heerkii ugu hooseeyay tan iyo 2001.
Xisbiga talada haya ee Labour, oo sanadkii hore guul weyn ka gaaray doorashada balse hadda la daalaa dhacaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, ayaa ballanqaaday horay in haddii ay talada la wareegaan ay hoos u dhigi doonaan da’da codbixinta.
Qorshayaashan cusub ee dib-u-habaynta doorashooyinka waxay sidoo kale ballaarinayaan waxa loo aqoonsan karo aqoonsi rasmi ah ee codbixinta, iyada oo lagu dari doono kaararka bangiyada UK iyo noocyada dijitaalka ah ee aqoonsiyada hadda jira sida laysinka darawalnimada iyo kaarka muwaadiniinta hore uga tirsanaa ciidamada.
Si looga hortago faragelinta dibadda, dawladda ayaa sidoo kale shaacisay qorshe lagu adkeynayo xeerarka ku saabsan deeqaha siyaasadeed, oo ay ku jirto hubinta deeqaha ka badan £500 (€578) ee ka yimaada ururrada aan la diiwaangelin.
“Ma aha wax aan iska qaadanno in dimuqraadiyaddu ay weligeed joogto, waxaana ku dadaaleynaa inaan ka hortagno musuqmaasuqa doorashooyinka iyo inaan kor u qaadno ka qeybgalka shacabka, taasoo xoojinaysa aasaaska bulshada mustaqbalka,” ayay Angela Rayner ku sheegtay bayaan ay soo saartay.
Haddii isbeddelkan la ansixiyo, Boqortooyada Midowday waxay noqon doontaa mid ka mid ah dalalka kooban ee oggol in 16 jirku codeeyo, sida Austria, Ecuador iyo Brazil.
