Xiisad ayaa ka dhex taagan Trump iyo Netanyahu toddobaadyadii u dambeeyay

Sida ay werisay shabakadda wararka NBC, iyagoo soo xiganaya mas’uuliyiin Mareykan ah iyo ilo diblomaasiyadeed, waxaa si isa soo taraysa khilaaf siyaasadeed u dhexeeya madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

Warbixintu waxay sheegtay waxyaabaha soo socda:

Khilaafka u dhexeeya Trump iyo Netanyahu ayaa aad u kordhay toddobaadyadii la soo dhaafay, gaar ahaan arrimaha la xiriira xaaladda Gaza iyo Iiran.

Trump ayaa laba jeer toddobaadkii hore ka dhiibtay hadallo dadweyne oo aad uga careysiiyay Netanyahu.

Netanyahu wuxuu si gaar ah uga xanaaqay hadal uu Trump ku sheegay inuusan weli go’aansan in Iiran loo oggolaado in ay shiiddo uranium si loo horumariyo barnaamijka nukliyeerka.

Ron Dermer, wasiirka arrimaha Istaraatiijiga ah ee Israa’iil  oo lagu kalsoon yahay, ayaa dareenka Netanyahu u gudbiyay Dan Whitcov, oo ah mas’uul ka tirsan Aqalka Cad, kulan ay yeesheen Khamiistii.

Trump wuxuu niyad-jab kala kulmay go’aanka Netanyahu uu ku qaaday weerar cusub oo ka dhan ah Gaza, taas oo ka hor imaneysa qorshaha Trump ee dib u dhiska Gaza.

Trump wuxuu ku tilmaamay weerarka cusub ee Israa’iil ku qaaday Gaza mid aan faa’iido lahayn, isagoo sheegay in ay caqabad ku noqon doonto dadaalka dib u dhiska.

Dowladda Mareykanka waxay cadaadis saareysaa labada dhinac — Israa’iil iyo Xamaas — si ay u oggolaadaan xabbad-joojin rasmi ah oo laga hirgeliyo Gaza.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *