Elon Musk oo ku dhawaaqay xisbi siyaasadeed cusub oo uu sameysanayo kaddib kala taggoodii Trump!

Elon Musk ayaa ku dhawaaqay in uu aas-aasay xisbi siyaasadeed cusub oo Maraykanka ah, kadib markii uu si weyn uga horyimid madaxweyne Donald Trump iyo sharciga miisaaniyadda iyo canshuur dhimista ee uu Trump saxiixay.

Musk wuxuu sheegay in xisbigan cusub oo la yiraahdo America Party uu yahay mid u taagan “inuu dadka dib ugu celiyo xorriyaddooda”. Wuxuu ku dhawaaqay arrintan Sabtidii, isagoo adeegsanaya bartiisa bulshada ee “X” taasoo uu isagu leeyahay.

Xisbiga America Party wuxuu ka hor imaanayaa nidaamka labada xisbi ee hadda ka jira dalka Mareykanka ee Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga. Lama caddeyn in xisbiga si rasmi ah looga diiwaangeliyey guddiga doorashooyinka, balse Musk wuxuu sheegay in la bilaabi doono “sanadka dambe”.

Ku dhawaaqista xisbiga cusub waxay timid maalin kadib markii Trump uu saxiixay sharciga weyn ee la yiraahdo One Big Beautiful Bill Act, kaasoo ay ku jiraan canshuur dhimista iyo kordhinta qarashka dowladda arrimo uu Musk si kulul u cambaareeyay ayaa ka buuxa sharciga.

Musk wuxuu bartiisa X ku qoray:

“Marka la eego sida qarankeena loo baabi’inayo,  iyadoo lagu dhaqaaqayo musuq iyo kharashaad waaweyn, waxaan nahay hal xisbi keli ah”.

Musk ayaa hore u taageeray Trump oo xitaa dhaqaale ahaan u garab istaagay ololihiisa doorashada, wuxuuna ka tirsanaa waaxda cusub ee dowladda ee la yiraahdo Department of Government Efficiency (DOGE).

Laakiin bishii May, Musk wuxuu sheegay inuu ka tagayo xilkii dowladda, isagoo ku sababeeyay in waqtigii loo qorsheeyay uu dhammaaday. Trump ayaa markaas ammaanay Musk, isagoo ku tilmaamay “halyey ganacsi iyo hal-abuure caalami ah”.

Si kastaba, xiriirkooda wuxuu xumaaday 22-kii May, kadib markii Aqalka Wakiilladu ay sameeyeen sharciga cusub ee miisaaniyadda. Musk wuxuu sharcigaas ku tilmaamay “mid lagu miisay lacag aan loo baahnayn, tallaabadaas ayuu ku tilmaamay musuqu baahsan”.

Trump, isaguna dhankiisa, wuxuu sheegay in uu dib u eegi doono deeqaha malaayiinta doollar ah ee dowladdu siiso shirkadaha Musk, wuxuuna xitaa soo jeediyay in laga fiirsado in Musk laga masaafuriyo dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *