Guddiga Midowga Yurub oo wajahaya mooshin kalsooni kala noqosho ah.

Mooshinka kalsoonida lagala noqonayo Guddiga Midowga Yurub ee la horgeeyay Baarlamaanka Yurub ayaa la gorfeyn doonaa Isniinta dambe, markaas oo Ursula von der Leyen ay doodi doonto si ay u difaacdo kursigeeda siyaasadeed, kahor inta aanay xubnaha Baarlamaanka Yurub (MEPs) codkooda dhiiban Khamiista.

Codbixintu waa in ay dhacdaa ugu yaraan 48 saacadood kadib bilowga dooda. Dhamaan xildhibaannada (MEPs-ka) saxiixay mooshinka waxay weli awood u leeyihiin in ay kala laabtaan taageeradooda. Haddii tirada saxiixayaasha hoos uga dhacdo tobanka meelood hal meel (1/10) ee loo baahnaa, habraaca mooshinku si toos ah ayuu u istaagayaa.

Fadhiga codbixinta waxa lagu qaban doonaa qaab magac u yeer ah (roll call), taas oo macnaheedu yahay in cod kasta uu noqon doono mid fagaare ah oo la ogyahay cidda dhiibtay. Si mooshinka loo ansixiyo, waxaa loo baahan yahay in laba-meelood saddex meel (2/3) oo ka mid ah codadka la dhiibtay – kuwaasoo sidoo kale ka tarjumaya in ay yihiin aqlabiyadda guud ee xubnaha Baarlamaanka Yurub – ay taageeraan mooshinka kalsoonida lagala noqonaayo Guddiga.

Sagaal isku day hore, hal iscasilaad oo kaliya

Waxaa jiray sagaal isku day oo hore oo ay MEPs-ku ku doonayeen in ay xilka ka tuuraan Guddiga Midowga Yurub.

  • Sannadkii 1990, kooxda midigta fog ee “Group of the European Right” waxay isku dayeen in ay Guddiga xilka uga qaadaan siyaasad la xiriirtay arrimaha Beeraha (Agricultural Policy), balse si xun ayay ugu guul darreysteen, waxay heleen 16 cod oo kaliya, halka 243 ay kasoo horjeesteen.
  • Isku daygii ugu dambeeyay wuxuu dhacay bishii November 2014, waxaana lagu beegsaday Guddigii uu hoggaaminayay Jean-Claude Juncker oo ka socday Luxembourg. Mooshinka waxaa keenay kooxda siyaasadeed ee shaki-gelisa Midowga Yurub, “Europe of Freedom and Direct Democracy”, iyaga oo uga jawaabayay fadeexadda maaliyadeed ee “LuxLeaks”, taas oo iftiimisay nidaamka canshuuraha ee dalka Luxembourg. Mooshinkaasi wuxuu helay 101 cod oo kaliya oo ka mid ahaa 670 MEP, taasoo aad uga hooseysay tiradii loo baahnaa.
  • Isku dayada kale waxay la xiriireen arrimo ay ka mid yihiin miisaaniyadda Midowga Yurub, saameynta cudurka “Bovine Spongiform Encephalopathy” (cudurka lo’da waalan) ee qaaradda, iyo maamulka xafiiska tirakoobka ee Eurostat.

Kaliya hal mar ayaa mooshin ceyrin ah sababay iscasilaadda Guddiga – waana mid dhacay xitaa iyadoo aan cod loo qaadin.

Bishii Maarso 1999, Guddigii uu hoggaaminayay Jacques Santer oo kasoo jeeday Luxembourg ayaa iscasilay ka hor inta aan Baarlamaanka Yurub si rasmi ah cod ugu qaadin mooshin ka dhan ahaa, taas oo ka dhalatay eedeymo musuqmaasuq iyo cabashooyin la xiriira hufnaan la’aan. Iscasilaaddan waxay dhacday inkasta oo isla guddigaasi uu ka badbaaday saddex mooshin oo kale oo horey loo keenay sannadihii ka horreeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *