Ruushka oo sii wada weerarrada Ukraine uu ku qaadayo ayaa geystay khasaare.

Ukriane ayaa maanta sheegtay in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay, 62 kalena ay ku dhaawacmeen weerarro diyaarado aan duuliye lahayn oo ay Ruushku ku qaadeen magaalooyinka Kharkiv iyo Odesa.

Weerarka Kharkiv:

Guddoomiyaha gobolka Kharkiv, Oleh Synyehubov, ayaa sheegay in:

Weerarku dhacay saacadda maxalliga ah marka ay ahayd 5:20 subaxnimo.

Afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo Ruushku leeyahay ay ku dhacay xaafadaha Shevchenkivskyi iyo Slobidskyi.

Dhismayaal kala duwan oo ay kamid yihiin: guri dabaq ah oo uu dab qabsaday dabaqa 8-aad, supermarket, maqaaxi, xarun dugsi xanaanadeed, laba baabuur iyo garaash ayaa waxyeello soo gaartay.

27 qof ayaa dhaawacmay, oo ay ku jiraan 3 carruur ah — tiro uu markii dambe kor ugu qaaday 29.

Goor dambe ayaa la sheegay in lix diyaaradood oo kale oo Ruushku leeyahay ay duqeeyeen xaafadda Kholodnohirskyi, taasoo keentay dhaawaca 33 qof oo kale.

Weerarka Odesa:

Guddoomiyaha gobolka Odesa, Oleh Kiper, ayaa sheegay in:

Hal qof uu ku dhintay weerar habeenkii dhacay.

Hantida rayidka ah ee magaalada dekedda ah ayaa la waxyeelleeyay.

Jawaabta Dowladda Ukraine:

Madaxweynaha Ukrain Volodymyr Zelenskyy ayaa bartiisa X ku yiri:

“Waxaan si weyn ugu rajo weynahay in saaxiibadayda caalamka ay si buuxda u fuliyaan wixii aan ku heshiinnay.” “Difaaca cirka ayaa ah mudnaanta koowaad ee badbaadinta nolosha Ukraine”.

Waxa uu intaas ku daray in ay si firfircoon u wadaan heshiisyo ku saabsan maalgelinta wax-soo-saarka hubka gudaha Ukrain, oo ay ku jiraan dhammaan noocyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Ciidamada Cirka ee Ukrain waxay sheegeen in:

75 ka mid ah 101 diyaaradood oo Ruushku soo diray la soo riday, iyo sidoo kale afar gantaal oo hagayaal ah.

Dhinaca Ruushka:

Ma aysan bixin faallo rasmi ah oo ku saabsan weerarrada, hase yeeshee Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in:

ay jabiyeen 91 diyaaradood oo ay Ukraine soo dirtay, kuwaasoo ku dhacay in ka badan 10 gobol oo ka mid ah Ruushka, 8 ka mid ahna ay ahaayeen hawada gobolka Moscow.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *