Maxay tahay sababta keentay cabashada xarumaha caafimaadka Helsinki?

Dad badan oo degan magaalada Helsinki ayaa ka cabanaya in nidaamka Maisa, oo ah adeeg isgaarsiineed oo internet-ka ah oo loogu talagalay caafimaadka, uusan si wanaagsan u shaqeynin.

Dadka qaar ayaa sheegaya inay sugayaan jawaabaha farriimahooda muddo bilo ah, halka qaar kalena aaney wax jawaab ahba helin nidaamka dhexdiisa. Inkastoo xaalada sidan ahayd in muddo ah – ilaa sanad dhan – haddana dadka laga wacayo xarumaha caafimaadka ayaa si toos ah loogu sheegay in aysan fariimo marin Maisa maadaama ay si aad ah u buuxsamayso, lagana yaabo in aan la gaarin waqtigii loogu talagalay in lagu jawaabo.

Bogagga rasmiga ah ee magaalada Helsinki ayaa weli sheegaya in “khabiirada caafimaadku ay caadiyan uga jawaabaan farriintaada Maisa saddex maalmood oo shaqo gudahood.” Qoraalkaas lama bedelin, inkastoo ay jiraan dib u dhacyo iyo culeysyo.

Adeegyada la sheegayo inay ka mid yihiin adeegga Maisa waxaa ka mid ah: qabsashada ballamaha, helidda natiijooyinka baaritaannada, la-talin caafimaad oo fogaan arag ah (online), iyo fariimaha lala xiriirayo xirfadlayaasha kale ee caafimaadka.

Su’aasha iskeed isu soo bandhigeysa ayaa ah: maxaa looga baahan yahay nidaamkan haddii uusan u shaqeyneyn sidii loogu talagalay?

Tusaale ahaan, xarunta caafimaadka ee Kalasatama ayaa si gaar ah u wajahday culeyska ugu badan ee ku saabsan dib u dhacyada jawaabaha.

Timo Lukkarinen, oo ah madaxa dhakhaatiirta xarumaha caafimaadka, ayaa qirtay in ay jiraan dhibaatooyin weyn oo Maisa ah:

“Waxaa jira xarumo caafimaad oo ku yaalla Helsinki oo aad u culeysan, waxaana arrintani keentay dib u dhacyo. Laakiin xaaladda hadda way hagaagaysaa,” ayuu yiri.

Lukkarinen wuxuu sheegay in celcelis ahaan, jawaabaha ugu dheer ay qaateen ilaa hal toddobaad, inkasta oo xarumo qaar ay isla maalintaasba ka jawaabaan farriimaha. Xarumo sida Kalasatama, Munkkiniemi, iyo Haaga ayaa lagu arkay dib u dhacyada ugu dheer, xitaa qaar bilaha gaarey.

Wuxuu intaas ku daray in sababta ugu weyn ee dhibkan ay tahay dad shaqaale ah oo aan ku filneyn, taasoo keentay in dadku fariimo badan dirayaan si ay u helaan jawaab – taasina ay sii kordhisay mashquulka.

Mararka qaar, dadka isticmaala Maisa waxay u arkaan in aan fariimahooda lagu wargelin doonin gabi ahaanba, taasoo kalsooni darro sii abuurta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *