Poland oo kordhisay xakamaynta xuduudaha ay la leedahay Jarmalka iyo Lithuania 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Poland, Marcin Kierwiński, ayaa maanta ku dhawaaqay in xakamaynta xuduudaha ku-meel-gaarka ah ee dalkiisu la leeyahay Jarmalka iyo Lithuania – kuwaas oo markii hore la bilaabay 7-da Luulyo – dib loo kordhiyay ilaa 4-ta Oktoobar. Xakamayntan ayaa markii hore la qorsheeyay inay socoto ilaa 5-ta Agoosto.

Sababta keentay go’aankan ayaa lagu sheegay in weli laga walwalsan yahay socdaalka sharci-darrada ah.

Wasiirka ayaa sheegay in tallaabooyinka amniga ee la adkeeyay ay sabab u noqdeen in dariiqa Belarus iyo Ruushka uu noqdo mid aan la mari karin, taasoo keentay in socdaalka sharci-darrada ah uu si isa soo taraysa ugu wareego waddamada kale ee Midowga Yurub, gaar ahaan Lithuania iyo Latvia.

Kierwiński wuxuu yiri: “98% xayndaabka xuduudda ee aan dhisnay ayaa ka dhigay mid aad u adag in laga gudbo, taasina waxay sababtay in adeegsiga dariiqa Belarus iyo Ruushka ay u wareegaan dhanka kale – Lithuania iyo Latvia.”

Wuxuu intaas ku daray: “Maanta, shaqada ugu weyn ma aha kaliya anaga, balse sidoo kale waa mas’uuliyad ka saaran saaxiibadeena Midowga Yurub – waa inaan xirnaa dariiqa Lithuania iyo Latvia, haddii aan eraygaas adeegsan karo.”

Si la mid ah, Jarmalka ayaa isna bilaabay xakameyn xuduudeed oo ka dhan ah Poland iyo Czech Republic, iyadoo sannadkii hore la ballaariyay dhammaan xuduudaha dalkaas.

Kierwiński wuxuu sheegay: “Bish September, waxaan go’aan ka gaari doonaa tallaabooyinka xiga marka aan helno xogta ka timid waardiyeyaasha xuduudaha, ciidamada milatariga iyo booliska.”

Lithuania gudaheeda waxaa la sheegay in xakamaynta xuduudaha laga fulinayo 13 goobood, oo ay ku jiraan saddex isgoys xuduudeed oo rasmi ah. Tobanka kale waxay noqon doonaan “goobo kormeer oo aan joogto ahayn”, oo ay dad deegaanka ahi isticmaali karaan.

Jarmalka wuxuu kormeer xuduudeed ka sameeyaa 52 goobood.

Inkastoo go’aanka Poland iyo Jarmalka ay wiiqayaan mabda’a Midowga Yurub ee xuriyadda socodka dadweynaha ee gudaha xuduudaha Schengen, haddana waddamada xubnaha ka ah Schengen waxaa loo oggol yahay inay si ku-meel-gaar ah u xakameeyaan xuduudahooda haddii ay dareemaan xaalad degdeg ah, tusaale ahaan sida uu ahaa xilliga cudurka COVID-19 – ama khatar amni oo la dareemayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *