Kooxda OPEC+ oo ka kooban 22 dal ayaa maanta ku heshiisay in laga bilaabo bisha Sebtember 2025 ay kordhiyaan wax-soo-saarka saliidda 548,000 foosto maalintii ilaa bisha September.
Tallaabadan ayaa la filayaa inay hoos u dhigto qiimaha shidaalka sanadka sii socda, maadaama OPEC+ ay muddo sannado ah xaddidaysay wax-soo-saarka si ay u taageerto qiimaha saliidda, balse sannadkan ay beddeshay istaraatiijiyaddii hore kadib cadaadis uga yimid Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ugu baaqay in wax-soo-saarka la kordhiyo.
Boqortooyada Sacuudi Carabiya, oo ah dalka ugu awoodda badan kooxda OPEC, ayaa door hoggaamineed ka ciyaarta go’aannada kooxda, halka Ruushku uu yahay hoggaamiyaha dalalka aan rasmi ahaan xubinta ka ahayn OPEC balse ku jira isbahaysiga OPEC+.
Go’aankan cusub ayaa yimid iyadoo Mareykanka uu cadaadis ku saarayo waddamada gobolka si Ruushka loogu qasbo inuu galo wadahadal nabadeed oo lagu soo afjaro duullaanka ballaaran ee uu weli ku hayo dalka Ukraine.
