Tareennada deegaanada caasimada Finland oo hakad la geliyay.

Tiro badan oo ka mid ah tareennada ka shaqeeya deegaanka caasimadda Finland ee Helsinki ayaa la baajiyey laga bilaabo aroortii Arbacadii.

Baajinta tareennada ayaa bilaabatay kadib 10:00 subaxnimo, waxaana sabab u ahaa cilad ku timid nidaamka xogta ee shirkadda maaraynta taraafikada, Fintraffic.

Baajinta tareennada ayaa saameysay dhammaan waddooyinka tareennada ee gobolka.

Dhinaca kale Shirkadda tareennada ee VR ayaa Talaadadii sheegtay inay bilaabi doonto wada-xaajood iyo daraasad ay la sameyneyso maamulka gaadiidka magaalada Helsinki (HSL), si loo helo xal lagu xoojinayo amniga tareennada deegaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *