Mas’uul sare oo ka tirsan Ururka Xoreynta Falastiin (PLO) ayaa sheegay in wafdi wasiirro Carbeed ah ay berri oo Axad ah booqan doono magaalada Ramallah ee dhulka Falastiiniyiinta si ay uga wada hadlaan dagaalka Israa’iil ay weli ka waddo Marinka Qaza, oo haatan galay bishii 20-aad iyo diyaarinta shir nabadeed oo lagu qabanayo New York.
Ahmed al-Majdalani, oo ka tirsan guddiga fulinta ee Ururka Xoreynta Falastiin, ayaa u sheegay Anadolu: wafdigu waxa uu ka koobnaan doonaa wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Sacuudiga, Masar, Urdun, Qatar, iyo Imaaraadka Carabta.
Wafdigu waxa uu ka wada hadli doonaa dagaalka Israa’iil ay ka waddo Qaza iyo diyaarinta shir nabadeed oo lagu qabanayo New York. Waxaa sidoo kale jira hadal ah in wafdiga uu qeyb ka noqon karo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan.
