Qaramada Midoobay: Gaza waa meesha ugu gaajada badan caalamka!.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-dubbaridka Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa sheegay in Marinka Gaza uu noqday “meesha ugu gaajo badan dunida”, iyadoo dhammaan dadka ku nool – oo gaaraya 2.3 milyan – ay wajahayaan gaajo ba’an oo musiibo ah.

Dhanka kale, ciidamada Israa’iil ayaa dilay laba qof oo doonayay in ay helaan gargaar, xilli ay ku sugnaayeen goob qaybinta cunto gargaar ah oo ku taalla galbeedka Rafah, koonfurta Gaza.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *