Xisbiyada Finland oo Canshuuraha isku haya
Xisbiyada Vasemmistoliitto iyo Vihreät ayaa ah labada xisbi ee baarlamaanka ku jira oo si cad ugu diyaarsan kordhinta boqolleyda canshuurta degmooyinka haddii loo baahdo, sida lagu ogaaday jawaabaha mashiinka doorashada ee Helsingin Sanomat. Aragtida musharixiinta doorashada ee arrintan ayaa lagu cabbiray iyada oo la weydiiyay su’aasha:“Boqolleyda canshuurta degmada waa in lagu sii hayo heerkii hore, xitaa haddii ay jirto cadaadis…
Diyaaradaha Mareykanka oo Yemen duqeeyey iyo Xuutiyiinta oo aargoosi ku hanjabay
In ka badan 30 qof ayaa ku geeriyootay duqeyn ay xalay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka geysteen caasimadda dalka Yemen. 31 qof ayaa la xaqiijiyey halka 101 kalana ay dhaawacmeen, sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ee dalka Yemen. Duqeyntan ayaa la sheegay in lala beegsaday xarumo iyo saldhigyo ay kooxaha Xuutiyiinta ku lahaayeen magaalada Sanca…
Dowladda Soomaaliya oo ka hor timid in Falastiiniyiinta Soomaaliya loo soo barakiciyo
Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa wakaaladda Reuturs u sheegay inaysan wixi la xiriir dalab uga yimid Mareykanka oo ku aaddan in dadka Falastiiyiinta loosoo barakiciyo gobollo ka mid ah dhulka Soomaaliya. Wasiir Fiqi, ayaa intaa raaciyey in aysan dowladda Soomaaliya marnaba aqbali doonin wax ku aaddan barakicinta dadka Falastiiniyiinta iyo xitaa in…
cudurka hargabka shimbiraha oo faro kulul ku haya Yurub
Dadka xiiseeya daawashada shimbiraha waxay si taxadar leh ula socdaan horumarka guga, balse imaanshaha shimbiraha tahriibka ahi wuxuu xambaarsan yahay khatar, maadaama ay keeni karaan cudurka hargabka shimbiraha(lintuinfluenssa). Cudurka waxaa hore looga helay ku dhawaad dhammaan waddamada Midowga Yurub, iyadoo laga helay shimbiro duurjoog ah. Dalal badan ayaa sidoo kale ka warbixiyay in cudurka laga helay digaagga la…
NVTV OO HOWL BILLAABAY
Helsinki, Finland – [15.03.25] – Waxaa farxad noo ah inaan si rasmi ah ugu dhawaaqno bilowga howlaha Nordic Vision TV, oo ah xarun warbaahin madax-bannaan ah oo fadhigeedu yahay Helsinki, Finland. Tani waa tallaabo muhiim ah oo noo horseedaysa in aan noqono ilo warbaahineed oo la isku halleyn karo, oo diiradda saaraya xaaladda waddamada Nordic,…
Xiriirka Mareykanka iyo Finland weli waa mid sal leh
Safiirka cusub ee Finland ee Washington, Leena-Kaisa Mikkola, ayaa sheegtay in wadahadallada ay la yeesheen wakiillada cusub ee maamulka Donald Trump ay si wanaagsan u socdeen. Inkastoo laga cabsi qabay in isbedelka Trump uu saameyn taban ku yeelan karo xiriirka Mareykanka iyo Finland, Mikkola waxay sheegtay inaysan jirin wax calaamado ah oo muujinaya in xiriirka…
Mareykanka oo eryey Safiirka K. Afrika
Wasiirka Arrimaha Dibedda Mareykanka Marco Rubio ayaa shaaciyey go’aankaan xilli uu ka soo laabtay shirka waddamada G7 ee ka dhacay dalka Kanada, Rubio ayaa ku eedeyey safiir Koonfur Afrika in ay dillootay nacaybka fog ee uu qabo dadka cadaanka. Ibraahim Rasool ayaa caan ku ah hadallada adag ee ka dhanka reer galbeed iyo maamulka Donald…
NVTV oo 15-ka Maarso howlgalkeeda billaabaysa
Nordic Vision TV waa madal warbaahineed cusub oo diiradda saareysa kobcinta warbaahinta madax-bannaan, lana jaanqaadaysa nidaamka waddamada Nordic. Ujeeddadeedu waa in la horumariyo barnaamijyo tayo leh oo xambaarsan arrimaha bulshada, dhaqaalaha, siyaasadda, Cimilada iyo horumarka Soomaalida ku nool Finland iyo guud ahaan dalalka Nordic. sidoo kale dhacdooyinka caalamka ayuu ka warami doonaa NVTV. Qaab-dhismeedka Nordic…
